haatuf.net
Wasiirada Dhulka Loo Diray: Xaamiihaa Xaraamiihaa
August 21, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 21,2015(Haatuf)-Madaxweyne Siilaanyo aya shalay soo saaray wareegto uu darsin wasiiro ah ugu dirayo hawl uu ugu yeedhay ‘diyaarinta qabyo-qoraalka siyaasadda dibu-habeynta dhulka Somaliland’.

Inkastoo wareegtada madaxtooyadu ay si muhmal iyo habow ah u qorneyd oo aanay si cad ugu qeexneyn hawsha uu Mr Siilaanyo doonayo inay wasiiradiisu soo qabtaan nooca ay tahay iyo ujeedada ay leedahay isla markaana aan lugu cayimin mudadi ay ku diyaarinayeen,hadana sida ugu dhaw ee nuxurka wareegtadaasi loo fahmi kara waxa weeye in  madaxweynuhu wasiiradiisa ka dalbaday inay daraasad ku soo sameeyaan mushkiladda dhulka si uu madaxweynuhuna dabeeto ugala soo dhex baxo siyaasaddii(policy) ay xukuumaddu kula dhaqmi laheyd arimaha dhulka mustaqbalka.

Hadaba la iskuma hayo in mushkilad weyni ka jirto dhulka laakiin waxa la yaab leh in kuwi ku mamay boobka dhulka dawladda iyo dhulka shicibkaba  la yidhaahdo kaaliya oo ka soo taliya siyaasaddi lagu waajihi lahaa mushkiladdaasi.Arimahan oo kale  dawladaha wax isku falayaa waxay u dirtaan shakhsiyaad kala duwan oo lagu xushay aqoon iyo waayo-aragnimo uu midwalba  gaar u leeyahay amaba waxaaba loo xilsaaraa mid ka mid ah hayadaha madaxbanaan ee ku takhasusa daraasaadka iyo cilmi-baadhista.(policy tink tanks).Laakiin Siilaanyo oo maamulka dawladeed ka yaaqaana intii uu ka arki jiray Siyaad Barre wuxu maantana u dhaqmay sidii ninkii waraabaha yidhi adhiga raac.

Wixii dilal iyo tacadi ahaa ee dalka ka dhacay ee bilaysku u geysteen dad rayid ah oon hubeysneyn intii uu xukunka hayey, Siilaanyo mar kaliya iskumuu dayin inuu gudi u saaro soo baadha mid ka mid ah dhagarahaasi, kuwaasoo madaweyne ahaan uu xil weyni ka saarnaa inuu kuwii muwaadiniintaasi laayey sidii sharciga loo horkeeni lahaa uu falowgeed qabto.Hadaba dhulkii xaafadda Shacabka Hargeysa dhamaa oo waxa u dambeeyey baloodhada ku yaala wadada u kacda dhinaca State House ee hadda qasriga looga dhisayo Baashe Cawil ‘e, 12-kan wasiir ma waxay u socdaan intaan muddo-kordhintu dhammaan inay jagooyinkii shicibka u xalaaleeyaan qoyska madaxweyne Siilaanyo iyo muqarabiintiisa?

 

o

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS