haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Oo Doonaysa Inay wadaado Taabacsan Wahaabiyadda U Magacawdo Gudida Culimada Iyo Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Meel Adag Iskataagay Qorshehaasi
August 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 23, rx 2015(Haatuf)-Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Somaliland aya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uga digay inay hirgaliso qorshe uu maaganyahay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheehk Khaliil Cabdullaahi Axmed oo uu ku doonayo in xubnaha Gudida Culimada ee dalka loo sameynayo loo wada magacaabo wadaado taabacsan Wahaabiyadda ka soo farcanta mad-habka Xanbaliga iyadoo Somaliland lagaga dhaqmo mad-habka Shaaficiga.

Farriin adag oo ay culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca u direen xukuumadda madaxweynaha mudadii la doortay dhamaatay ee Axmed Siilaanyo aya waxay ku sheegeen inay lagama maarmaan tahay in gudidaasi loo magacaabo xubno ka soo jeeda culimada aaminsan mad-habka Shaaficiga ah ee waligiiba lagaga dhaqmi jiray Somaliland.Kulan ay shalay Hargeysa kula yeesheen wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancadde aya jamaacadda Ahlu Sunna waxay cabasho balaadhan ka muujiyeen wasiirka Awqaafta iyagoo ku dooday in wasiir Khaliil aanu matali karin culimada dalka isla markaana ay ka cabsi qabaanba in uu khilaaf diineed dalka ka bilaabo.Waxa kale oo ay culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca wasiir Warancadde ka dalbadeen inay kulan la yeeshaan madaxweynaha si armahaasi xaasaasiga ah ay isaga toos uga wada hadlaan.

Madaxweyne Siilaanyo aya 5tii sanadood ee uu xukunka hayey waxa ku xeerneyd koox wadaado ganacasade-yaal ah oo qaatay fikirka diiniga ah ee Wahaabiyadda ku saleysan waxaanay inta badan ku xidhanyihiin ururo iyo hayado samo-fal ah oo ka jira dalalka Khaliijka.Kooxdan iyo xukuumadda Siilaanyo ay is-wataan ayaa lagu dhaliilaa in aanay mar qudha u hagar-bixin sidii dawladda Sucuudiga iyo hayada u qaabilsan arrimaha Xajka loo aqbalsiin lahaa in muwaadiniinta reer Somaliland ay Xajka ku tagi karaan baasaboorka Somaliland.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS