haatuf.net
Ururka Dawladda Islaamiga Ah Oo Burburiyay Mac-bad Qadiimi Ah Oo Dhisnaa 2000 Sannadood
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Palmyra, cialis August 24, 2015 (W.Wararka) – Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa burburisay macbad taariikhi ah oo ku yaal magaalada Palmyra oo lagu magacaabo Baalshamin.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa la wareegtay magaalada Palmyra bishii May ee sanadkan, arrintaasi oo sare u qaadday cabsida laga qabay in kooxdani ay burburiso mid ka mid ah xarumaha ugu waa weyn aasaartii hore ee dunida.

Kooxdani ayaa waxa ay horay u burburisay gooba badan oo qadiimi ah oo ku yaal gudaha dalkaasi Ciraaq.

Madaxa aasaartii hore ee dalka Suuriya Ma’muun Cabdulkariim, ayaa sheegay in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay qarxisay macbadka Baalshamin oo ay burburisay.

Dadka deegaanka oo isaga carraray magaaladaasi ayaa sidoo kale sheegaya in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay walxa qarxa ku rakibeen macbadka, inkastoo ay arrintaasi sameeyeen bil ka hor, sida laga soo xigtay, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya.

Magaalada Palmyra ayaa caan ku ah goobaha taariikhiga ah ee Giriigga iyo Romaniyiinta.

Macbadkan haatan la burburiyay ayaa waxaa la dhisay 2000 oo sano ka hor.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Dowladda Islaamiga ah waxa ay soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahanadooda oo burburinaya waxa ay ku tilmaameen waxyaabo qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaalada Palmyra.

Tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadeen dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kaddib markii ay kooxdu dishay nin muddo afartan sano ka badan ka soo shaqeynayay goobaha qadiimiga ah ee magaalada Palmyra. Source-BBC

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS