haatuf.net
Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ay Dawladii Siyaad Barre Xasuuqday 1988-kii Oo Lafahoodii Maanta Deegaanka Biyo-Shiinaha Dib Loogu Aasay (daawo sawiradda)
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough August 24, abortion 2015(Haatuf) – Ku dhawaad 50 qof oo ka mid ahaa dadkii ay dawladii Siyaad Barre gobolada Somaliland ku xasuuqday sanadkii 1988-kii ayaa lafahoodii maanta galinkii hore dib loogu aasay agagaarka tuulada Biyo-Shiinaha ee ku taala duleedka waqooyi ee magaaladda Hargeysa.

Dadkan oo markii la laayey maydkoodii si degdeg ah loogu aasay xabaalo wadareedyo (mass graves) ayaa waxay lafahoodii banaanka u soo baxeen ka dib markii ay shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ay deegaankaasi ka bilaabeen hawl ay dhulka ugu jeexayaan beebka cusub ee biyaha kasoo qaadi doona Geed-deeble ilaa Hargeysa. Qayb ka mid ah maydadkaasi ay lafahoodii soo baxeen ayaa shalay si xurmo iyo maamuus leh oo dhaqanka Islaamka waafaqsan dib loogu aasay isla goobtaasi, ed taas oo ay soo qaban-qaabiyeen masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha iyo Guddida Xasuuqu.

Aaskii maanta ayaa intii aan maydka lagu tukan waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Ibraahim Siyaad Yoonis, Maayarka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Wasiirada Warshadaha iyo Cadaaladda, Guddoomiyaha Guddida Xasuuqa Khadar Axmed Likeh, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro), Mujaahid Yuusuf Cabdi Goboobe iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday dhibaatadda ay shacbiga Somaliland usoo mareen inay dib ula soo noqdaan xornimadooda luntay lixdankii.

Dhinaca kale dad lagu qiyaasay Boqol kun oo qof ayaa ku naf waayey xasuuqyadii ay geysatay dawladdii Somalia ee uu hogaamiyaha ka ahaa diktaytarkii Siyaad Barre oo ka dhacay gobolada Somaliland mudadii u dhaxaysay 1988-1990. Daba-yaaqadii May 1988-kii markii ay ciidamadii SNM ka soo ruqaansadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland isla markaana soo galeen gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ciidamadii dawladii Siyaad Barre waxay bilaabeen inay dilal aargoosi ah oo baahsan  kula kacaan dadka rayidka ah, kuwaas oo ay la beegsadeen duqayn cirka iyo dhulka ahba halka qaar kalena iyagoo raxan-raxan isugu xidh xidhan toogasho lagu dilay. Boqolaal kun oo dad ah oo ka qaxay Hargeysa ayaa intii aanay u talaabin dhinaca xadka Ethiopia bilihii June, July iyo August ee 1988-kii  kusii hakaday deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada sida Biyo-shiinaha, Geedka Gaboobe, Annayo, Maluugta, Iidaan,Gogol-wanaag, Geed-deeble,Horo-haadlay iyo qaar kale.

Xabaalo-wadareedyadan Biyo-shiinaha aya waxa la aaminsanyahay in dadka ku aasani ka midyihiin shicibkii magaalada Hargeysa uga qaxay dhinaca waqooyiga ee ay dawladdii Siyaad Barre kala daba tagtay diyaaradihii dagaalka iyo madaafiicadii tiirada dheereyd oo ay ku  duqeysay iyadoo intii dadkaasi ka badbaaday ay aakhirkii ku dambeeyeen xeryo qaxoonti ah oo laga furay dhinaca xadka Ethiopia.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS