haatuf.net
Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Munaasibad Aas Ka Sheegay In Tacadiyada RRU-du Aanay Soo Noq-noqdeen Haddaanu Madaxwayne Siilaanyo Raali Ka Ahayn
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, find August 24, cough 2015(Haatuf) – Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa dad ka hadlay munaasibad maanta lagu qabtay deegaanka Biyo-Shiinaha oo dib loogu aasayey lafihii dad ay dawladii Siyaad Barre ku xasuuqday Waqooyiga magaaladda Hargeysa sanadkii 1988-kii, ayaa waxa uu sheegay in tacadiyada iyo dilalka sharci-darada ah ee ay ciidamadda RRU-du u gaysanayaan dadka rayidka ah een hubaysnayn aanay soo noqnoqdeen haddii aanu Madaxwayne Siilaanyo ciidankaas raali kaga ahayn falalkaasi.

Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayaana, waxa uu yidhi “Dadkii reer Somaliland ee xasuuqa aynu ogayn soo maray ma gayaan maanta in iyagoon hubaysnayn askari qori sitaa aayar madaxa ka toogto. Bilayska aynu maanta haysanaa maaha kii aynu u dhisanay inuu xafido nabad-galyadeena iyo kala danbaynteena ee waa mid u shaqeeya cida xukanka haysa. Xad-gudubyada ay RRU-du u gaysato shicibka may soo noqnoqdeen haddii aanu Madaxwayne Siilaanyo raali ka ahayn. Waayo waxaynu arki lahayn isagoo mar uun ka dhiidhiyey muwaadin ay sharci-daro ku dileen oo dalbaday in cidii falkaasi gaysatay maxkamad sharci ah lasoo taago. Ilaa intaynu yeelanayno sharci inaga dabra tacadiyada Bilayska ee aynu samaysanayno  Bilays u hogaansama sharciga (law), isla markaana lagu tababaray in sharcigu amarka ka sareeyo, dilalka RRU-du way soo noqnoqon doonaan taasina waxay keeni kartaa in iyaga iyo shacbiga isku dhacaan, haddii aan la gaadhin talo degdeg ah oo inaga baajinkarta”.  Displaying IMG_6922.JPG

Dhinaca kale Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu ku tilmaamay xasuuqii ay dawladdii Siyaad Barre kula kacday dadkii rayidka ahaa ee reer Somaliland sanadkii 1988-kii mid ay kaga aar-goosanaysay guul-darooyinkii ay ciidamadeedii kala kulmeen dagaalyahanadii SNM ee dalka gudihiisa soo galay dabayaaqadii bishii 1988-kii, xiligaas oo uu Yuusuf xusay in isaga iyo Axmed Jabaan ay ka mid ahaayeen mujaahidiintii ka dhex-dagaalamayey magaaladda Hargeysa.  Mujaahid Gaboobe waxa uu sheegay in dadkii lagu xasuuqay deegaanka u dhexeeya Biyo-Shiinaha ilaa Annayo ee waqooyiga Hargeysa ay ka mid ahayd Sahra Daahir Dhidar oo ahayd xaaskii mujaahid Axmed Jabaan, kaas oo bishan 9-keediina wiil uu dhalay oo 11 jir ah ay ciidamadda RRU-du ku dileen xaafadda Jigjiga yar oo xaaskiisan danbe degan tahay.

Mujaahid Yuusuf Gaboobe waxa  uu sheegay in oori-dii hore ee Axmed Jabaan ay diyaaradi dishay iyada oo dhabta ku haysa caruurtii ay la qaxday ilmihii ugu yaraa, isla markaana xiligaas ayuu Axmed Jabaan ku mashquulsanaa dagaalkii gudaha Hargeysa ka socday. “Maanta oo ay 27 sanadood kasoo wareegeena isagoo xaqdaro ku xidhan ayaa waxa uu ku war-helay in ciidamadda RRU-du ay qoyskiisii weerareen, wiilkiisii 11 jirka ahaan ay xaq-daro ku dileen, mid kale oo uu dhalayna dhaawac culus ay gaadhsiiyeen. Tacadiyada noocan ah ee dadka rayidka ah kibirka loogu laynayaa inkastoo aynu dal ahaan iyo shicib ahaanba aynu ku ceebaysanahay hadana sharaf-dhaca iyo masuuliyad-darada ugu wayni waxay gaar u tahay ninka Madaxwaynaha ka ah dawladan maatidda looga taag-laayahay”.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS