haatuf.net
Magacyada Shirkadaha Lagu Wareejinayo Haamaha Shidaalka Berbera
August 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 24, allergist 2015(Haatuf)-Todobo shirkadood oo laba mooyaane inta kale dhawaan la aasaasay aya la filaya inay xukuumadda madaxweynaha mudadii la doortay dhamaatay ee Ahmed Siilaanyo ku wareejiso haamihi kaydka shidaalka ee Berbera, ailment waxaanay kala yihiin Red Sea, Hass, Waraabe Petroleum(Cali Balaq-Balaq), Som Petroleum, Som Oil ,Liibaan Petroleum iyo Al-waarid Petroleum.

Siday xogo maalmahan lagu baahiyey warbaahintu tilmaamayaan afarta shirkadood ee magacyadoodu u hooseeyaan liiska kor ku xusan oo dhawaan la aasaasay aya waxa kala leh qoyska madaxtooyada iyo wasiiro ay ka midyihiin wasiirka Macdanta Xuseen Ducaale(Wajixun) iyo wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyadoo qorshuhu yahay in shirkadaha cusub iyo kuwii hore haamaha lagu wareejiyo 25 sanadood taasoo ku xidhan inay bixiyaan lacag marka la isu geeyo lagu qiyaasay inay kor u dhaafayso toban milyanoo doolar.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS