haatuf.net
BBC World Service Oo Yuusuf Cabdi Gaboobe Ka Waraysatay Xasuuqi 1988
August 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 25, doctor 2015(Haatuf)-Idaacadda Af-ingiriisiga ku hadasha ee BBC World Service aya maanta Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ka waraysatay xasuuqii ka dhacay gobolada Somaliland sanadkii 1988 kaasoo ay dawladii Siyaad Barre u geysatay dad rayid ah oo tiradooda lagu qiyaasay tobonaan kun iyadoo ay idaacaddaasi barnaamijkeedii duhurkii maanta ku soo dartay warbixin arintaasi ku saabsan.Waxa kale oo galinkii dambee maanta qaybta Af-Soomaaliga ee BBC-da laga sii daayey waraysi uu wariyaheeda Hargeysa Axmed Siciid Cige  uu Yuusuf Cabdi Gaboobe kala yeeshay dad rayid ah oo la viagra on-line aaminsanyahay in dawladii Siyaad Barre xasuuqday sanadkii 1988 kuwaasoo lafihii meydkooda shalay dib loogu aasay deegaanka Biyo-shiinaha ee waqooyiga Hargeysa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS