haatuf.net
Xild Dheeg Iyo Jawaabti Duulista:Social Media-yaha Iyo Warbaahinta Guulwadeyntu Nuglaysay
August 28, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, August 28,2015(Haatuf)-Xildhibaanka Guurtida Maxamad Maxmuud (Dheeg) aya waxa habeen hore Saxaafadda Bulshada(Social Media) gaar ahaan Facebook-ga lagu faafiyey shir jaraayid oo uu dooraad qabtay kaasoo uu dhaliilo iyo eedaymo badan ugu soo jeediyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo waliba wasaaradda  Duulista Hawada ee uu wasiirka ka yahay Maxmuud Xaashi Cabdi.

Xildhibaanku wax cusub muu sheegin ee waxa uu carbaabay uun waxyaabo, hadii ay jiraan iyo hadii aanay jirinba, awalba hadal-hayntoodu ku badneyd bulshada dhexdeeda.In cidaha ay taabteen dhaliilihi iyo eedihii uu xildhibaanku soo jeediyey ay ka jawaabaanna waa wax ay xaq u leeyihiin.Laakiinh suuaasha meesha taalaa waxy tahay wargeysyadii Jimcahan maanta soo baxay iyagoo xambaarsan maqaal dheer oo wasaaradda Duulistu kaga jawaabayso hadaladi xildhibaanka, warbaahin ahaan labada dhinac midwalba xaqii uu laha ma siiyeen ama si siman ma isugu miisaameen.???

Hadalka Dheeg waxa marki hore laga sii daayey Star Tv, dabeeto wuxu ku faafay saxaafadda bulshada( social media-ha) gaar ahaan Facebook-ga isla markaana waxa iyaguna wax ka qoray laba ka mid ah wargeysyada dalka.Laakiin wargeysyo markii hore, sababtay  doontaa ha ku kalifto’e , aan ka waramin shirkii jaraayid ee Dheeg, aya hadana maanta bogagooda hore ku soo daabacay jawaab dheer oo Duulistu ka bixisay oo waliba aanay tafatirin(without editing) balse ay sidii loogu soo qoray ku sii daayeen. Ad-caful iimaan waxay aheyd kol haday jawaabtaasi qorayaan inay dibu-raacis (back-ground) sameeyaan oo ay wax ka soo qaataan hadaladii Dheeg si ay akhristeyaasha u fahamsiyaan mawduuca laga hadlayo nuxurkiisu waxa uu yahay.Mayse dhicin oo  waxay soo bandhigeen uun warkii Duulista ee la gashaday.

Dadka ka hawlgala ama hoos u og arimaha warbaahinta maxaliga ah waxay dabcan ka warhayaan inay jiraan dhawr arimood oo uu wasiirka Duulistu sas ka qabo in warbaahintu wax ka taa-taabato sida lacagta madaarka Hargeysa ee Egal International Airport lagu qaado een wasaaradda Maaliyadda ku dhicin cidda ku tagrifasha iyo doorka uu ku leeyahay qorista shaqaalaha qaybaha kala duwan ee madaarka iyo waliba boobka dhulka Masalaha.Arinta kale ee uu Maxamuud Xaashi cuqdada ka qabo ee uu isku taxalujiyo in aanay warbaahintu waxba ka sheeg sheegin waxay tahay SNM-tii uu ka soo galay isagoo sita qorigii uu dhaarta ku maray inuu cadawga kula dagaalami doono taasoo ay qolyaha Jabhaddu wali colaad ugu hayaan.Tamarta iyo faxalnimada ay xukuumadda Siilaanyo guud ahaan u leedahay inay dabooshoo kolba ceeb ay leedahay oo soo muuqata hadii ay galin laheyd adeega bulshada, wax badan oo maanta ka baylahsan ayaa wax laga qaban kari lahaa.

Hadaba maanta marka la is-barnar dhigo social media-ha iyo warbaanteena, waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ee booqda baraha social media-ha ay intay doonaan ka tiro badanyihiin kuwa akhrista nuqulada wargeysyada,shakina kuma jiro in sababta ugu weyn ee ay social-media-hu uga soo jiidasho batay ay ku lug leedahay kalsoonidii ay dadku (audience) ku qabeen dhexdhexaadnimadooda warbaahineed oo hoos u dhacday ka dib markii ay xukuumadda Siilaanyo 5 sanadood kula soo  dhaqmaysay cadaadis iyo cabudhin farabadan.Hadii uu xaalka warbaahinta Somaliland sidan ku sii socdana,waxa dhici doonta in waqti aan fogeyn xagga social media-ha looga wada guuro.

Kolay video-gii Dheeg laga duubay, iyadoon isaga Shilin kaga bixin, intii Facebook-ga ka daawatay ama hadaladiisii website-yada ka akhrisatay way ka tiro badnaanayaan inta uu gaadhi doono maqaalkii uu Maxmuud Xaashi maanta kaga jawaabay.Waa nimcada lagu qabo internet-kan mucjizada ah.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS