haatuf.net
Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Magaaladda Hargeysa Ka Iibsaday Dhul Qiimihiisu Yahay 1 Milyan Oo Doolar (Daawo Sawiradda)
August 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, health August 30, shop 2015 (Haatuf) – Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad xogogaal ahi Maareeyaha haamaha shidaalka Magaaladda Berbera Saleebaan Siciid Cali ayaa xaafadda Idaacada ee magaaladd aHargeysa gaar ahaan  agagaarka Masaajidka In Weerar ka iibsaday dhul cabirkiisa lagu sheegay  hal baloog oo u dhiganta 10 baloodh.

Dhulkan  oo markiisii hore ahaan jiray geerash baabuurta lagu xareeyo ayaa sida la sheegay uu dhawaan iibsaday Maareeyuhu, cialis kaas oo uu siistay lacag dhan 1 Milyan oo doolar, isla markaana dhamaanteed sida ay xogahani Haatuf u tibaaxeen wada bixi isla markaana ku wareejiyey dadka uu dhulka ka iibsaday.

Arrintan ayaa kusoo beegantay wakhti ay maanta oo ay taariikhdu tahay 30-kii August ay Golaha Wakiiladda Somaliland laaleen qorshaha ay xukuumadda Siilaanyo ku wareejinayso Haamaha Shidaalka Berbera ee uu horjoogaha ka yahay Saleebaan Siciid Cali oo isaga sida ay xuseen ilo-wareedo Haatuf heshay qoyska Madaxtooyadu u qorsheeyeen inay Wasiir ku xigeen ka dhigaan marka la wareejiyo maamulka haamahaasi.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS