haatuf.net
Sheekh Aadan-Siiro Oo Wiilasha Iyo Gabdhaha Is-Raba Ee Awood Dhaqaale U Dabran Ugu Bushaareeyey Taageero
September 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, unhealthy September  5, medical 2015 (Haatuf) -Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Dhalinyarada Wiilasha iyo Gabdhaha ah ugu bushaareeyey kuwaada aan awoodin kharashka lagu bixiyo Xafladaha Meherka ee Gabbaatiga iyo Yaradka, haddana is-raba ee doonaya inay Qoys xalaal ah oo Islaam ah dhistaan in loogu gargaari doono Masaajidka uu Iimaanka ka yahay ee Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Aaden Siiro, ayaa Khudbad uu Salaadda Jimce ee Maanta ka jeediyey Maajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay taageerada iyo gacan-qabashada dadka jilicsan, sida dhallinyarada guurka raba ee waayuhu dabarka ku xidhay, waxaanu Sheekhu dadweynihii Masaajidka ku sugnaa ka codsaday in dhallinyarada is-oggol ee doonaya in Masaajidka la isugu meheriyo, lagana taageero bilawga qoyskooda ay xidhiidh la sameeyaan isaga.

“Ninka dhallinyarada ah ee Gabbaatiga, Lacagta iyo Baabuurta badani dhibeen, waxaan u sheegayaa inaynu ku caawinayno kharashka bilawga (qoyskooda), Masaajidkana waynu isugu meherinaynaa Salaadda Jimce ka dib (Jimce kasta). Sidaa daraaddeed waxaad (warkaa) gaadhsiisaan cidda is-oggol ee Waligooduna ogGol yahay (inay is guursadaan).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

Waanu Sheekh Aadan-Siiro intaas ku sii ladhay; “Weliga oo kaliya ayaa Masaajidka soo fadhiisanaya iyo ninka mehersanaya Gabadh, innaguna waxaynu ku caawinaynaa Ducada…haddaynu doonno shan ayaynu is-raacinaynaa oo aynu isku meherinaynaa. Waxaan u jeedaa inanka aan awood (Dhaqaale) oo badan aan lahayn iyo Gabadha is doonaya inay is-guursadaan, maaha ninka baystaynada haysta ama kumannaanka bixinaya.”SHEEKH AADAN SIIRO

Waxa uu sheegay in Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaah korkiisa ha yeelee (C.S.W) uu Muslimiinta u dardaarmay inay iskaalmeeyaan oo ay u sinnaadaan hantida, wax isa-siiyaan oo ka wax Allaah u dhiibay ka aan waxba haysan kaalmeeyo, isla markaana Jaarku aad isaga war-hayo, oo Guriga laba qof wax ku filani yaallaan ay ku fillaan karto saddex ama afar-ba haddii iska war-hayni jirto.

 

Khudbadda uu Sh. Aadan-Siiro ka jeediyey Salaaddii Jimcaha ee Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo dhammaystiran, halkan hoose ka daawo:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS