haatuf.net
Cali Gadheer Oo Siilaanyo U Xilsaaray Wareejinta Haamaha Muddo Bil Ahna Ku Sugnaan Doona Berbera
September 27, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, price September 27, ambulance 2015(Haatuf)-Madaxweynaha mudo-xileedkii la doortay dhamaaday ee Axmad Siilaanyo ayaa intaanu saaka dalka ka dhoofin wasiir-ku0xigeenkii Xanaanada Xoolaha Cali Gadheer u magacaabay xil dheeraad ah oo uu ku noqanayo  Wakiilka xukuumadda ee Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.Cali Gadheer ayaa waxa Mr Siilaanyo faray inuu ku sugnaado magaalada Berbera muddo bil ah si uu u hirgaliyo isla markaana taabogal ka dhigo qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay Haamaha u gacangaliso wasiiro iyada  ka tirsan iyo shakhsiyad awood leh oo ku xidhan madaxtooyada kuwaaso sheeganaya inay shirkado yihiin.

Cali Gadheer oo hadda ku sugan Berbera ayaa marki uu qorshaha dawladda ee Haamaha khuseeya uu soo shaacbaxay waxa uu dad badan oo reer Berbera ah u sheegay inuu ka soo horjeedo wareejinta laakiin waxa la ogaaday inuu is-rogay markii  ay isaga iyo wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Cali Dhagoole ay todobvaadkii hore shir jaraayid oo ay Hargeysa ku qabteen ku muujiyeen inay taageersanyihiin wareejinta Haamaha.Waliba Cali Dhagoole ayaa shirkaasi jaraayid waxa uu ka jeediyey hadalo hanjabaad iyo aflagaado isugu jiray oo uu si gaar ah ugu maagayey reer Berbera iyadoo ay jirto in mucaaradada wareejinta Haamuhu ay asalkeedii hore ka bilaabantay caasimadda Hargeysa kadibna Somaliland oo dhan wada saameysay.Cali Dhagoole  oo haatan u muuqda nin inta lagu shaqeystay dabadeed la tuuray ayaa waxay kala dhex miiranaysa Cali Gadheer.

Dhinaca kale arinta wareejinta Haamaha  ayaa waxa laga cabsi qabaa inay keento isku-dhac dhex mara dadweynaha reer Berbera iyo  ciidamada ay xukuumaddu halkaasi soo dhoobtay iyadoo ay saan saan jawi colaadeed oo shabahda tii 1992/93 ay ka muuqato magaalada, xili dareenka dadkuna aad u kacsanyahay  oo bulshada ku dhaqan Berberina ay hadda ka mideysan tahay kana soo horjeeddo wareejinta Haamaha.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS