haatuf.net
Hogaanka Bilayska Oo Qaybsaday Darajooyin Lagu Taxay Askar Ay Gaar U Kala Calaamadsadeen
September 30, 2015 - Written by Admin Two

Askarta Darajooyinka La Siiyey Ayey Qaarkood Saddex Bilood Ka Tirsanaayeen Ciidanka, there Halka Kuwo Dugsiga Tababarka Ciidanka Kasoo  Baxay Laga Xarimay

Hargeysa, cough September 30, 2015 (Haatuf) –  Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo masuuliin ka tirsan xukuumadda ayaa qaybsaday darajooyin shalay galinkii hore iyo saaka lagu taxay askar iyo saraakiil ay qaab beeleed usoo kala xusheen, kuwaas oo ay garbahooda ku toleen darajooyin aanay sharciyan xaq u lahayn.

Xubnaha ay hogaanka bilaysku darajooyinka u garteen ayaa waxa ku jiray askar iyo saraakiil kasoo jeeda beesha Madaxwayne Siilaanyo, kuwaas oo ay soo gudbiyeen liiskooda wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Xildhibaan Cali Mareexaan.

Darajooyinkan cusub ee loo qaybiyey bilayska ayaa waxay u badnaayeen qaar la siiyey saraakiil hore u qaatay darajooyin, kuwaas oo hadda la wada dalacsiiyey, halka xubno iyagu aan wax darajo ah lahaan jirin la siiyey darajooyin kala duwan iyadoo waliba qaarkood sida ay Haatuf u sheegeen masuuliyiin xogogaal ahi ay gabi ahaanba ciidanka ka tirsanaayeen dhawr bilood, oo aanay  jirin aqoon iyo waayo aragnimo ay ku mutaysteen darajooyinkaas garbaha loogu taxay.

Darajooyinka ay hogaanka ciidanku qaybiyeen ayaa waxa ka cadhooday askar iyo saraakiil mudo dheer ka tirsanaa bilayska oo khibrad iyo aqoon balaadhanba u leh mihnaddaasi isla markaana qaarkood ay ka aqoon badan yihiinba taliyeyaashooda. Sida ay ilo-wareedadaasi Haatuf u sheegeen, arinta darajooyinkan la musuqmaasuqay ee nidaamka dhabar-taabashada ah lagu bixiyey ayaa waxa laga cabsi qabaa inay saamayn xun ku yeelato mooraalka ciidanka bilayska oo awalba cadaalad darro ka tirsanayey qaabkii loo qaybiiyey darooyinkii hore gaar ahaan xubnihii ka tirsanaan jiray ururkii SNM ee bilayska ku biiray horaanti sagaashanaadkii kuwaasoo badankooda loo qoondeeyey darajooyin ah alifle iyo laba alifle, halka intooda faro-ku-tiriska ah ee saraakiisha laga dhigayna aan la dhaafsiinin Kabtan(Captain) ,waxaana dhamaantood la hoos geeyey oo laga darajo saraysiiyey rag ka tirsanaan jiray ciidamadii milatariga ee Faqashta oo bilayska Somaliland ku soo biiray sanadihii danbe.

Cadaalad darada ay Mujaahidiintii bilayska noqotay tirsanayaan ka sakow, xubnaha bilayska iyo miltariga Somaliland ee iyagu ahaan jiray ciidamadii Faqashta ayaa siday ilo xogogaal u ahaa darajo bixintii hore noo sheegeen ay laftooda qaar badani dulmi kala tirsanayaan.

Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu arrimahan wax ka waydiino taliyeyaasha ciidanka bilayska ayaanay noo suurta-galin inaanu helno.

Wixii kasoo kordha arrimahaasi kala soco Haatuf.net.


Cabdilaahi Fadaluf.net.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS