haatuf.net
Breaking News: Maxkamadda Hargeysa Oo Sii Daysay Fanaaniintii Xidigaha Geeska Ee Xidhnaa Iyo Taliyaha CID-da Oo Horjoogsaday Go’aankaas
September 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, apoplectic September  30, 2015 (Haatuf) – Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa saaka fasaxday afartii fanaan ee ay 27-kii bishan xabsiga dhigeen ciidanka bilayska Somaliland ka dib markay kasoo noqdeen socdaal ay ugu maqnaayeen magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Sida ay xubno ka tirsan fanaaniinta Xidigaha Geesku  Haatuf u sheegeen taliyaha ciidanka dambi-baadhista Somaliland (C I D)  Daahir Muuse Abraar ayaa horjoogsaday amarka ay maxkamadu ku sii daysay Fanaaniintaas oo kala ah Xamda-queen, Nimcaan-hilaac, Maxamed-cirro iyo Cabdiraxmaan-oday , taas oo ay sida ay tibaaxahaasi sheegeen aan la garaynin sababta uu ugu dhagsan yahay ilaa hada fanaaniintaas ay Maxkamadda gobolka Hargeysa fasaxday.

Taliyaha CID-da Mr Abraar ayey xukuumadu mar walba u adeegsataa inuu  soo qoro eedaymaha ay la damacsan tahay inay albaabada ugu laabto hay’adaha warbaahinta Somaliland, isla markaana xabsiga ugu taxaabto suxufiyiinta, iyadoo ay waliba taliyaha CID-da wixii ku lugleh arrimahaasi ay isla kaashadaan taliyaha ciidanka bilayska C/laahi Fadal.

Wixii kasoo kordha  arrinta xadhiga fanaaniintaas kala soco Haatuf.net.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS