haatuf.net
Warancadde Oo Sidii Macalinkiisii Afweyne Dalbaday In Fanaaniintii Xidhnaa Isaga Toos Loogu Keeno Intaan La Sii Dayn
September 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa,September 30,2015(Haatuf)-Fanaaniintii ka tirsanaa kooxda Xidigaha Geeska ee xidhnaa ayaa maanta markii ay maxkamaddu amartay in damaanad lagu sii daayo ayaa waxa markii hore is-hortaagay labada taliyeyaal ee CID-da iyo Bilayska oo iyagu aan u baran in maxkamadi qaadato go’aan aanay labadooda iyo madaxtooyadu la ogeyn oo ay ku sii daynayso dad ay xukuumaddu arimo siyaasadeed ku soo xidhay.Hasa yeeshee shir ay markii danbe labadan sarkaal iyo wasaaradda Daakhiligu ka galeen arinta qaraarka maxkamadda ayaa dood saacado socotay ka dib waxa la isku afgartay in aan go’aankii maxkamadda laga hor imanin oo fanaaniinta la sii daayo. Markii taladaasi la isla qaatay ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde waxa uu taliyaha bilayska u sheegay in  fanaaniinta aan la sii daynin ilaa inta isaga loo keenayo.

Fanaanintii ayaa markii ay maanta xabsiga Dhexe ee Hargeysa sidaas uga soo baxeen ayaa waxay bilayskii kala wareegay askarta Jeelku u sheegeen in Warancadde loogu gaynayo wasaaradda Daakhiliga oo uu isagu markaas dabadeed sii dayn doono taasoo aheyd talaabo ku xadgub ku ah sharciga balse ka mid aheyd dhaqanadi uu wasiir Warancadde ku arki jiray kalidii-taliyihii Siyaad Barre ee uu basaasnimada ugu shaqeyn jiray ee marka uu dad amarkiisa lagu xidhay xabsiga kasoo daynayo dalban jiray in marka hore isaga madaxtooyada toos loogu keeno si uu u bahdilo intaanay xor noqonin.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS