haatuf.net
“Dadkii Bilowga Xisbiga Kulmiye Aasaaska La Bilaabay Baan Ka Mid Ahaa, Waxanan Intaas U Soo Halgamayey Waxa Kamid Ahaa Inuu….”Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mr Samaale
October 1, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, pills October  1, 2015 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay warar soo baxayey oo sheegayey inuu maleegayo qorsheyaal uu kaga tanaasulayo Hankiisii musharraxnimo ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa, waxana uu caddeeyey inuu wali yahay musharrax u taagan madaxtinimada Dalka Somaliland. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maalintii shalay Waraysi gaar ah siiyey Wariye Xamse Cali Bulbul oo Telefishanka Star Katartsan, ayaa siyaabo kala duwan u sharraxay Aamusnaan uu muddo dheer kaga maqnaa saaxadda siyaasadda, aragtidiisa la xidhiidha muddaynta Shirweynaha Kulmiye oo aan laga talo gelinin iyo diyaar garow uu sheegay inuu ugu jiro tartan uu sheegay inuu kaga dhex hillaaci doono shirweynaha Kulmiye ee loo muddeeyey dhammaadka sanadkan aynu ku jirno.  Ugu horrayn Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu ka Hadlay sababta uu  tan iyo intii uu xilka wasaaradda Maaliyadda wareejiyey u aamusnaa, isagoo sababta ku sheegay inuu dhawrayey ka hadalka Shaqadii uu xukuumadda u hayey ee uu ka tegay, “In dhaweyd Warbaahinta aad baan iskaga dhawray, waanan jecelahay inaan iska dhawro, sababtoo ah qofku marka uu xil hayo xilkana uu sii daayo waxa loo bartay in halkii uu xilka ka hayey uu dhaliilo ama ceebeeyo, aniguna qof sharaftiisu intaas ka weyn tahay baan ahay, sidaas darteed warbaahinta waan ku yaraa.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Mudane Samaale waxa uu shaaciyey in hankiisii musharraxnimo ee uu iclaamiyey intii uu Xilka wasaaradda Maaliyadda Hayey uu sidiisii yahay, waxana uu taageerayaashiisa u sheegay inay u diyaar garoobaan xilliga uu kaltanka musharraxnimada xisbigu uu furmayo oo ah wakhtiga la muddeeyey, waxana uu yidhi,“Marka koowaad hankaygii musharraxa madaxweynenimo ee madaxweyne Siilaanyo dabadii waa halkiisii, waan u taaganahay, waan sharraxanahay, waanan tartamayaa marka uu tartankaasi furmo, taas ayaanan taageerayaashayda, dhammaaba xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga iyo  inta aniga I taageertaba waana u sheegayaa in arrintaasi ay sidiidee tahay oo aanay waxba ka beddelin. Loollan  hadda bilaabmay iyo tartan haatan bilaabmayna aanu jirin sababtaas awgeedna aan u aamunsaa.” Cabdicasiis Samaale oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo muddaynta shirweynaha Kulmiye, waxana uu intaas ku daray inuu hormood ka ahaa Aasaaskii Xisbiga Kulmiye ee uu haatan ka dhex tartami doono,“Waxan soo dhaweynayaa muddaynta la muddeeyey shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga ee loo muddeeyey inuu noqdo 10,11,2015-ka, raalli baanan ku ahay, waxan rajaynayaa inuu shirkaasi si fiican ku qabsoomi doono. Xisbiga Kulmiye Waa Xisbi Ballaadhan oo ay iskugu yimaaddeen dad badan oo rabitaan siyaasadeed lihi, min aasaaskii ilaa maanta oo uu taladii dalka hayo, waxan ka mid ahay dadkii Xisbigaas Bilowgiisii kala qayb qaatay madaxweynaha maanta ee Hawshii Xisbiga kasoo qayb qaatay odhanna maayo keli baan ku ahaa oo anigaa u mudnaa, laakiin waxan kamidahaa Dadkii Hawsha Xisbiga  laf-dhabarta u ahaa.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxana uu intaas ku daray, “dadkii Bilowga Xisbiga Aasaaska la bilaabay baan ka mid ahaa, waxan kamid ahaa dadkii ugu horreeyey shirarkii xisbigaasi yeeshay ka qayb galay  sida kii ka dhacay Guriga shaqaalaha ee musharraxnimo loogu doortay madaxweynaha qaranka ee Maanta, ku-xigeenkana loogu doortay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, anigaana Guddoominayey shirkaas, shirkii kale ee Lagu doortay Guddoomiyaha iyo Hogaanka kale ee Xisbiga ee Ambassador ka dhacay anigoo Guddoominayey.” SamaaleWaxa uu sheegay inuu Xisbiga dhexdiisa halgan dheer kasoo galay, hankiisana ay kamid ahayd in isaga iyo siyaasiyiin kaleba ka dhex tartamaan Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa, waxana uu yidhi, “waxan intaas u soo halgamayey waxa kamid ahaa inuu Xisbigaasi guulaysto oo uu talada dalka qabto, qof walibana Hankiisa uu ka xaqiijiyo Xisbiga Dhexdiisa, maantana waxan u taaganahay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye inaan u tartamo xilliga tartankaasi furmo.” Waxa uu Samaale  inuu diyaar u  yahay tartan xalaal ah oo Siyaasiyiinta hamming hoggaamineed leh loo qabto, “waxan soo dhaweynayaa cid kastaa oo hammigaas leh tartan walaaltinimo uu dhaco, dabadeedna cidda ku guulaysta lagu dhiso, waana in la helaa tartan xalaal ah oo loo siman yahay.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale. Waxa uu Ka Hadlay hadal uu hore u sheegay oo uu ku tilmaanay inaanu la tartami doonin madaxweyne Siilaanyo, waxan uu yidhi, “hore waxan u sheegay inaanan madaxweynaha isla soo taagaynin haddii uu mar labaad isa soo taaago, go’aankaasina waa halkiisii, markase ay taasi bannaanaato oo tartankaasi uu furmo qofka koowaad ee Taagan baan ahay, Kubaddaba sida loo kala xariifsan yahay baa loo kala badiyaaye, tartankaas siyaasaddan sida loo kala nasiib badan yahay uun baa loo kala badin doonaa, Kalsooni baanan ku qabaa shacbiga Somaliland oo doorasho hore  ayaan galay oo baarlamaanka ahayd oo cod badan umaddu siisay oo aan uga mahad naqayaa, wixii ilaahay ii qaddarayna waayi maayo, kalsooni baanan naftayda iy xisbiga dhexdiisaba ku qabaa” Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu ugu dambayn sheegay inaan la kala xigin Xisbiga Kulmiye, Ciddii Xubno ka ahina ay ku tartami karto, waxana uu yidhi,“anigoo dadkii Xisbiga ugu soo horreeyey kamid ah haddana maanta odhan  qofna ka xigsan maayo oo odhan maayo qofkii xisbiga Wakhti dhaw soo galay Tartankaas yaanu gelin.”

halkan hoose ka daawo muuqaalkiisa:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS