haatuf.net
Haatufka Maanta
October 2, 2015 - Written by Admin Two

Marxuumkii Ina Cigaal siyaasadda waxa uu u xaraashay guryihii aabihii uga dhintay qaaarna iyagoo madaxweyneyaal ah ayey jagooyiin ka iibsanayaan, guryana ka dhisanayaan xoolihii ummadda.

Lacagta Haamaha nabadda ayuu dadka ugu kala iibin jiray waxase kursigii uga kala dambeeyey niman sidii ay Afweyne ugu shaqeynayeen uu qalbigi madoobaaday oon kiish bariis ah iyo kiish sonkor ah aan waligood guriga soo wada dhigan mid loo qaaday mooyaane.Mar allaale marka uu mudo-xileedkoodo gabaabsi noqdo ayuu wiswaaska calool werwerku u sheegaa in wixii dhamaa ee ay meelaysteen aanu ku filaan doonin,kolkaasay dalbadaan muddo-kordhin baad ah oo dalka qas iyo buuq galisa taasoo ay dadku iska ogolaadaan in loo sameeyo iyagoo ilaashanaya nabadgelyadooda iyo dawladnimadooda tacabka badani ka galay.

Kooxdi Riyaale waxay ka tageen khasnadii dawladda oo haawanaysa iyo waraaqo qaansheeg konton milyanoo $ dayn aan jirin ah oo ay Qaranka ku sii qorteen .Kuwan hadda joogaa waxay dheeryihiin dawladnimadii oo ay burburiyeen iyo macaankii lacagtii Haamaha ee ay u barteen oo ay ka hagaagi kari la’yihiin iyo waliba intay inagaga tagayaan ee ku filan oo iyaga laftoodii aanay garaneyn.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS