haatuf.net
Ciidamada Xuutiyiinta Iyo Cali Cabdalla Saalax Oo Ku Sii Riiq Riiqaya Shidaalka Tahriibta Ah Ee Uga Taga Xeebaha Badda Cas
October 3, 2015 - Written by Admin Two

Cadan,October 3,2015(Haatuf)-Isbahaysiga maleeshiyada Xuutniyiinta iyo ciidamada wali daacadda u ah madaxweynihii horee Yaman Cali Cabdalla Saalex ayaa wali ku sii riiq riiqaya shidaal kootorobaan ah oo uga yimaadda xeebaha dhinaca Afrika kaga yaala Badda Cas iyadoo ay ciidamada Xulifada dalalka Khaliijka Carbeed ee uu Sucuudigu hogaaminayo ay lix bilood ka hor dalka Yaman saareen go’doomin xagga badda,bariga iyo cirkaba ah si aanay ciidamada Xuutiyiinta iyo Saalex ee ay dagaalka kula jiraan wax taakulayn ah uga helin Iiraan,ururka XisbuAllah, Ruushka iyo dalal kaleba.

Hadaba iyadoo uu dagaalka dalka Yamani hadda socday muddo 7 bilood ah ayaa waxa muuqata in Xuutiyiinta iyo Saalex ay xidhiidh la sameysteen ganacsato kala duwan oo shidaalka ugu keena dekadaha ay wali haystaan sida Mukha iyo Xudayda iyo waliba meelo kale oo ku yaala xeebta koonfurta galbeed ee Yaman ee iyagu gacanta ku hayaan.Shidaalkan oo laga soo raro qarka kalee Badda Cas ee Yaman ka soo eegaya dhinaca Afrika ayaa waxa lagu soo qaadaa doonyo yar yar (Sanbuuq) oo farabadan kuwaasoo laga soo dhex dusiyo ciidamada badda ee Xulifada Carbeed ee ku xeeran xeebta Yaman.

Siday ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola arimahani ay Haatuf  u sheegeen, qayb libaax oo ka mid ah shidaalka ay ciidamada Xuutiyiinta iyo Saalex wali ku sii tamarinayaan ayaa waxay ka helaan ganacsade Maxamad Awsiciid oo intii aanu dagaalku dhicin dalka Yaman Berbera uga dhoofin jiray Rash-ka oo ay Yamaniyiintu si xad dhaaf ah u isticmaalaan munaasabadaha aroosyada,ciidaha,mawliidyada,ziyaarooyinka,iwl.Rashka oo uu ganacsadahani kootorobaan ahaan ku galin jiray dalka Yaman ayaa waxa lagu soo qaadi jiray doonyo la nooc ah kuwa hadda shidaalka Yaman loogu soo tahriibiyo iyadoo intii uu dagaalku bilaaabmayba ay badeecaddii Rashku suuq beeshay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS