haatuf.net
Loollanka Murashixiinta, Natiijadda Shirarkii Beesha Bariga Burco, Kulankii Maxamed Biixi, Samaale Iyo Wararkii u Dambeeyay Ee kaambaynka
October 4, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, tadalafil 4 Oct 2015  (Haatuf) – Iyadoo xarraarada loollanka murashixiinta kulmiye marba marka ka dambaysa kor u sii kacayo, price gaar ahaan kaambaynka murashixiinta ka soo jeedda deegaanadda woqooyiga iyo galbeedka  Hargeysa, symptoms   ayaa waxa isa soo taraysa saamaynta xumaddani ku yeelatay beesha barriga Burco ee dhalasho ahaan madaxweynuhu ka soo jeedo.

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo lagu kalsoon yahay, waxa dhacay shirar dhawr ah oo ay ku kulmeen masuuliyiin iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeedda beesha barriga Burco, isla markaana kulamadda ugu muhiimsanaa ay ka dhaceen gurriga wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in kulanka hore ay ka qayb galeen wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka Duulista Maxamuud xaashi, wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi, xildhibaan Cali Mareexaan iyo xubno kale. Kulankaa oo hore saxaafadu wax uga qortay waxa la sheegay in ka qaybgalayaashiisu ahaayeen kuwa la safan gudoomiye Muuse Biixi, isla markaana ajandihiisu ahaa in lala xidhiidho madaxweynaha oo loo jeediyo si loo baajiyo khatarta kaambaynka inuu cadeeyo inuu  Muuse Biixi yahay murashaxa keliya ee uu la jiro. Wargeyska Codka shacabka oo wax ka qoray kulankaa ayaa faafiyay, in madaxweyne Siilaanyo oo khadka telefoonka kula hadlay shirkaasi isagoo jooga Imaaraadka, uu u sheegay ka qayb galayaashii shirkaa ee ay isku beeshe yihiin  in loo baahnayn inay kala raacaan murashixiinta loolamaysa, isla markaana laga war sugo maxsuulka ka soo baxa shirka golaha dhexe ee la muddeeyay.

Inkastoo qaban qaabiyayaashii kulankaasi la sheegay inay lahaayeen muraad ah in murashaxnimadda loo gaar yeelo Muuse Biixi, haddana waxa xoggahaasi muujiyeen in madaxweynuhu ku adkaystay in lagu kala baxo tartan dimoqraadiya iyo cod.

Kulankaa hore kadib waxay xogguhu tibaaxeen, in kulan ka balaadhnaa kaa hore uu dorraad ka dhacay gurriga wasiirka Macdanta, halkaasna ay isugu yimaadeen dad badan oo isugu jiray siyaasiyiin, masuuliyiin xil ka haysa xukuumadda iyo golayaasha iyo waxgarad kale, isla markaana ay isugu jireen qaar la kala safan murashixiinta Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi. Warku wuxuu intaa ku daray in kulankan dambe daba socday maqalka shirkaa hore oo lagu tilmaamay mid aan loo dhamayn, haddana huwanaa magaca beesha bariga Burco, isla markaana lama sheegin wax go,aan ah oo ka soo baxay. Wararkaa illahaa laga soo xigtay waxay intaa raaciyeen,  in dhinac ka mid ah ka qaybgalayaashu ay danaynayeen in shirkaa laga magacaabo guddi, balse ay taasi suurageli wayday kadib markii ay is cabudhisay afkaarta kala duwan ee ka qayb galayaashu, taasoo qayb ka mid ahi tusmaysay in loo daayo hawshan shirka golaha dhexe iyo doorasho ay ku kala baxaan murashixiintu, isla markaana ay u cuskadeen aragtida madaxweynaha, halka dhanka kalena ay illahaasi weriyeen in qabaan inay haboontay in beesha barriga Burco qaadato go,aan mid ah oo muujinaya in beeshu la wada safantay Muuse Biixi, taasoo haday dhacdo meesha ka saari karta tartanka.

Shirarkaa beesha bariga Burco ka sokow waxa socda kaambaynka murashixiinta Muuse Biixi, Maxamed Biixi, Cabdicasiis Samaale, Axmed Cabdi Kijaandhe. Sidoo kale jagada gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye ayaa iyana ah mid loo ordayo, isla markaana waxa  durba ku dhawaaqay inuu u rashaxan yahay jagadaa xil. Cabdiraxmaan Dheere. Sidoo kale gudoomiyaha xilkaa haya Jaamac shabeel ayaa isna loo tirinayaa inuu doonayo inuu sii hayo jagadaa.  Kulamadda murashixiinta ee dhacay waxa la sheegay inuu ka mid yahay mid ay isku arkeen Maxamed Biixi iyo Samaale, hase ahaatee lama sheegin nuxurka kulamaddaasi  inay daaranaayeen inay dhinac isugu lugaduwadaan iyo in kale. Laakiin waxa muuqata in labada murashaxba ollolahoodu uu xoog ahaa maalmahan u dambeeyay, isla markaana soo laabashada Samaale ay sii diirisay saaxada, kaasoo barbar galay kaambaynka awalba socday ee Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi. Waxa ugu wayn ee lagu loollamayaana waxa weeye xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo ah kuwa dooranaya murashaxa tartanka uga qayb gelaya xisbiga Kulmiye doorashada soo socota.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi ayaa u baxay socdaal dibadda ah, isla markaana waxa la sheegay inuu ku biiri doono weftiga madaxweynaha ee u safray Ireland, isla markaana waxay  illo xog ogaal ahi u sheegeen wargeyska Ogaal in madaxweynuhu soo gaabinayo safarkiisii, laguna wado inuu 9.10.2015 ku soo laabto dalka, halka wasiiraddu la filayo inay ka soo horeeyaan.Source:Ogaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS