haatuf.net
Xadhiga Wasiirkii Saliida Ee Nigeria iyo Xafiiska Cusub Ee UK u qaabilsan Daba-galka Hantida Laga Soo Dhaco dalalka Saboolka Ah
October 4, 2015 - Written by Admin Two

London, asthma October 4, 2015 (Haatuf) –Waxa jimcihii doraad lagu xidhay magaaladdan London Wasiirkii hore ee saliida ee dalka Nigeria Diezani Alison-Madueke ka dib markii lagu tuhmay inay ku lug-leedahay arrimo musuqmaasuq oo la xidhiidha lacago la maydhay. Haweenadan oo xiligii ay ahayd wasiirka saliida lasoo darseen fadeexado waawayn oo musuqmaasuq ayaa waxa daba-gal iyo baadhitaan ku sameeyey xafiis cusub oo dawladda UK dhawaan u samaysay inuu dabagalo lacagaha laga soo lunsado dalalka saboolka ah isla markaana hantida lagaga iibsado dalkan Ingiriiska. Xafiiskan cusub ayaa arrimaha uu u xilsaaran yahay waxa ka mid ah inuu masuuliyiinta dawladaha ajanabiga ah ee lagu ogaado inay faraha kula jiraan arrimo musuqmaasuq baadhitaan ku sameeyaan oo daba-galaan si hantidii ay lunsadeen dib loogu celiyey dalalkii ay kasoo dhaceen.

Xafiiskan cusub ayaa baadhitaanada uu samayn doonaa aanay ku koobnaan doonin madaxda ku kacda musuqmaasuqa balse waxa kale oo u furan inay dabagal ku sameeyaan cidkasta oo door ku leh arrimahaasi xataa haddii aanay dawladda xil ka haynin.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS