haatuf.net
“Cago Juglayn Iyo Habeen Badh La Isla Baxaa Waatii Uu Eedday Siyaad Barre….”Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan
October 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate October  5, discount 2015 (Haatuf) – Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa shacabka ugu baaqay in xukuumaddan ka ilaashaddaan nabadgalyadooda oo uu sheegay in ay ku sii galgalaynayso, isla markaana wuxuu sheegay in aan ciddina ciidan ku cad goosan Karin.

Suldaanku wuxuu sidaa ku sheegay shirjaraaid oo ay si wadda jir ah u qabteen Sabayso iyo Suldaanka Guud.Suldaanku wuxuu ugu horrayn ka hadlay xadhiga Suldaan Sabayso oo dib u helay xoriyadiisa “Arrinkan maanta (shalay), horta aad baanu ugu farraxsannahay Suldaan Mowliid oo maanta xorriyadiisii dib u helay waanu ku faraxsannahay waanan tabaynay. Runtii waxa nasiibdarro wayn ah oo aad mooda in dhaqankii iyo xishmaddii sandalada baalmarsantahay, 17-ka bishii sidii la nooga soo qafashay ee aan naloo xormayn oo xishmadii qaranka aanu ku lahayn meesha looga saaray oo guriga salaadiinta habeenkii naloogu soo daatay, waxay ka fog tahay arrimaha yacni way ka fog tahay, dawladnimadda way ka fog tahay, gobanimadda way ka fogtahay, waxay ahayd macno afduub iyadoo habeenimo loo soo daatay guriga, waxaa nasiibdarro ahayd jimcihii habeenimadiisii xarunta CID-da ayaa lagu hakiyay salaadii subax-baa haddan toos loo geeyay jeelka oo waxay ahayd in ay maxkamadi u gudbiso oo ay ku rumaan garayso ayay ahayd inta uu gar sugaha yahay, maxkamadii may shaqaynayn, qaranku muu shaqaynayn, xafiisyaddu fasax bay ahayeen ilaa xadka waxaad arkaysa in sharcigii la laaba.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Suldaan Mowliid wuxuu ka gilgishay arrimaha maanta dalka ka socda oo aan cidna u cuntamayn, shacabka gudo iyo dib baa, salaadiin ahaan aan noo cuntamayn oo wixii la wadda lahaa, ilayn qaranka xoog laguma qabsan oo qori laguma qabsanee, waxa weeye marka dhaliil la sheego in dhaliisha dib loogu joogsado ayay ahayd oo sixitaan loo qaato. Waxaad mooda cago-juglayn iyo habeen badh la isla baxaa waatii uu Siyaad Barre eeday, waxa nasiibdaro wayn ah,  iyadoo salaadiintu birma-gaydo tahay oo aanay ingiriisna ka dhicin, faqashna aanay ka dhicin, xukuumadihii kala dambeeyayna aanay ka dhicin in habeenimo madow loo soo daato salaadiinta taasina waa taariikh barmadow ah oo xukuumadan uun ku suntan.”Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Sidoo kale, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi wuxuu sheegay in aanay marnaba yeelanay inay xukuumaddu wareejinta haamaha shidaalka“Haamihii waa la isku soo kululeeyay oo waynu ognahay oo ciidan baa la soo dhoobay Berbera waxaanu yeelayno maaha, ciidan haddii ay cidi ku cad goosanayso quwadii afrikaa ku cad goosan lahayd, way tagaysa oo Cad CEED CASAR JOOGTA ayaanu xukuumaddan horre ugu tilmaanay, waxaanay ku tagaysa food shacbi oo maanta waa xukuumad kumeel-gaadh ah oo intaa yar ee loo kordhiyay waxa weeye in ay doorasho dalka qabato. Laakiin wax heshiis ah oo ay gali karaan ma jirto, waxaan ku soo ururinayaa Qaranka ILAAHAY baa u maqan oo Somaliland ilaahaybaa ilaashanaya, shacabka waxaan leeyahay nabadgaliyadiina ilaashadda, suldaan waa la qaadi, shacbi waa loo daadan, cid walba gurigiisa loogu iman, cid walba dhibtu way taabanaysa waa xukuumad si fara-badan u socota haynu nabadgalyadeena ka ilaashanno, in aanay nabadgalyadeena wiiqin, haynu ka ilaashanno nabadgalyadda way inagu sii galgalanaysaayee ilaahay haraatideeda ha inaga nabadgalyo.”.Suldaan Xasan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS