haatuf.net
Saadaasha Mala Awaalka Taageeradda Maxamed Biixi, Muuse Biixi, Samaale Iyo Kijaandhe Ee Toobiyaha 10-ka Novembar
October 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, therapy October  5, 2015 (Haatuf) – Inkastoo weli kaambaynkii Kulmiye dhexdiisu socdo, afar murashaxna inta la og yahay ay u taagan yihiin tartanka madaxweynaha xisbiga, ayaa waxa soo baxaya warar is khilaafsan oo la xidhiidha saadaasha iyo hilaadinta ay kala haystaan marka loo eego golaha xukuumadda iyo golaha dhexe ee dooranaya murashaxa madaxweynaha.

Xog urrurin la xidhiidha amuurtan oo uu wargeyska Ogaal sameeyay isla markaana ku abla ableeyay sheegashooyinka iyo dacaayaadka kaambaynka ee dhinacyada is haya, dooddaha falanqeeyayaasha dhexdhexaadka ah ee siyaasadda ee u dhuun dalloola sidda wax u socdaan iyo guud rayul caamka kaleba, wuxuu wargeysku ka diyaariyay warbixintan.

Ilaa 57 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno golaha xukuumaddu ka kooban yahay, dhamaantoodna ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ayaa sida muuqata haatan u qaybsan sadex kooxood. Koox mintid ah oo loogu yeedho guruubka hogaamiyaha gaaban oo la safan Maxamed Biixi Yoonis. Koox kale oo lid ku ah oo barbar taagan Muuse Biixi iyo qayb aan labadaa midna weli ahayn, isla markaana labada dhinac midkoodna aanuu isku halayn buuxda ka haysanin waqti xaadirkan, balse mid kastaba tirsiimaddoodu ugu jirto sheegashooyinka xayaysiiska ah ee kaambaynka. Kooxdan tiraddoodu ma yara marka loo eego tiradda guud ee golaha, badheedhahooduna weli ma cadda balse labada nin ee ugu tunka wayn loollanku mid kastaaba dhankiisa ayuu u naawilayaa.

Kooxda Maxamed Biixi waxay sheeganayaan in 25 wasiir oo ka mid ah golaha xukuumaddu ay taageero buuxda oo aan isbedel lahayn kula safan yihiin murashaxaa, isla markaana ay qayb ka yihiin kaambaynka doorashadiisa. Sheegashada dhinacani waxay ka dhigaysaa tiradda xubnaha wasiiradda ee taabacsan Muuse Biixi wax aan ka badnayn 7 wasiir, isla markaana waxay tilmaameen in 25 wasiir oo kale ay yihiin eegga qaar aan dhinacna ku biirin badheedhahooda. Hase yeeshee ay rajaynayaan in ugu yaraan 15 ka mid ahi ay soo raaci doonnaan dhawaan. Taasi waa sheegashada dhankaa, lamana odhan karo xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waa sidaa.

Taa waxa burinaya faanka qollada kale ee Muuse Biixi, oo werinaya in ugu yaraan 30 wasiir oo ka mid ah xukuumaddu ay taageersan yihiin. Waxa kale oo aragtida qiyaasta kooxdani tebinaysaa in xubnaha wasiiradda ee taageersan Maxamed Biixi ay tiradoodu gaadhayso ilaa 15 xubnood, isla markaana ilaa 12 xubnood ay ka yihiin dhankooda qaar aan weli codkoodu dhinacna u dhicin oo soo jiidashadoodu dhex yaal u tahah labada dhinac. Sidii taa hore tan lafteeda ma odhan karo waa run aan loo noqonayn ee waa qiimayn dhinac.

Marka laga tago sheegashooyinkaa waxa jira dad dhexddhexaad ah oo isha ku hayay sooyaalkii arrintan, welina la socda isbedeladda iyo isrogroga wejiyadda badan ee loollanka kulmiye dhexdiisa. Inkastoo saadinta guusha ay ku kala duwan yihiin, oo mid labada dhagax ee uu isa saaray u suureeyay Muuse Biixi  mid u hibeeyay Maxamed Biixi iyo mid kaleba uu jiray, misana kuma kala tagsana qiimaynta cagidan ee golaha wasiiradda. “Waxa jira koox wasiiro ah oo isku xidhan oo hogaamiyahoodu Xirsi yahay oo inta la hubo dhawr iyo toban wasiir ah. kuwaasi waxay ku wada socdaan mabda, waxaanay raacsan yihiin Maxamed Biixi, baddidooduna kaambaynkay ku jiraan. Dhinaca kale waxa jira tiro ugu yaraan ilaa lix, 7 wasiir oo loo tirinayo inay ku adag yihiin taageeradda Muuse Biixi. Laakiin aan hore ugu muuqan sida  kooxdaa kale midnimo ahaan iyo mabda, ahaanba.” Sidaa waxa ku doodday mid ka mid ah falanqeeyayaasha. Qaar kale  oo ku ayiday ayaa iyana ku kabay. “Way dhici kartaa in kaambaynka iyo duruufaha dhanka madaxtooyadu wax bedelaan, laakiin waxa muuqata marka laga tago inta nafta u bixinaysa labada dhinac inay badan yihiin xubnaha golaha wasiiradda ee weli baala daymoodka ku jiraa.”

Falanqeeye kale oo ka mid ah dadkaanu wax ka waydiinay mawduucan ayaa isagu fasiraad ka bixiyay sababta ay badi u go,aan qaadan la,yihiin wasiiradda aan dhinacna u tirsanayni, waxaanuu yidhi; “Marka laga duulo dihashadii mudaynta shirka golaha dhexe ee laga dhigay 10.novembar, isla markaana loo sibirsaaro dhacdooyinkii ka dambeeyay ee la olloga ah, waxa muuqata in aanay midaysnayn aragtida madaxtooyada ee murashixiinta guud ahaan, gaar ahaan Maxamed iyo Muuse. Taasna loo aanayn karo wasiiradda aan dhinacna ku cadayn ee dhawrista ku jira.”

Dhinaca kale, ku dhawaad afar boqol oo xubnood ayaa la tilmaamay inuu gaadhayo golaha dhexe ee Kulmiye, kuwaasoo  codkooda ku kala reebaya murashixiinta, isla markaana afarta murashax ee ilaa hada la og yahay ayay kala raacayaan si ay u kala badsadaanba, waxaana soo baxaya murashaxa aqlabiyada ku guulaysta. Dhinacyada Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi waxay sheeganayaan labadooduba inay haystaan aqlabiyadii, qolo waliba laba boqol ayay tirsatay, balse xaqiiqdu way dambaysaa. Hase yeeshee falanqeeyayaashu waxay tusmeeyeen tilmaan taa ka duwan. Hilaaddoodu waxay mala,awaalaysaa qiyaastan;

Xil. Kijaandhe 5% ilaa 10%, Samaale 15% ilaa 20%, Maxamed Biixi 30% ilaa35%, Muuse Biixi 30% ilaa35%. Qiyaastani waa celceliska malihii dadka aanu wax ka waydiinay ee maaha xaqiiq la hubo. Hase yeeshee waxa keliya ee wax ka soo qaadka lihi waxa weeye, in Samaale iyo Kijaandhe yihiin laba murashax oo taageeraddoodu dhankay u ciirtaa ay muhiim u tahay guusha. wallow oo tafniidayaasha qaarkood aanay meesha ka saarin in miisaanka Samaale kor u soo kici karo oo wax ka bedeli karo suurahan. Sidoo kalena ay suuragal tahay in labada murashax ee ugu horeeya uu midkood helo 50% marka u horaysaba. Xigasho Wargeyska Ogaal.

page-150x150

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS