haatuf.net
Cali Gadheer Oo Berbera Ku Xidhay Laba Suxufi Iyo Xubno Ka Mid Ah Waxgaradka Gobolka Saaxil Oo Bilaysku Baadi-Goob Ugu Jiraan
October 5, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, prostate September  5, ampoule 2015 (Haatuf) – Ciidanka bilayska gobolka Saaxil ayaa maanta xabsiga u taxaabay laba suxufi oo kala ah tafatiraha barta internet-ka ee Mandheera.com ahna wariyaha Kalsan tv ee Berbera  Axmed Siciid Maxamed  iyo wakiilka SomaliNews tv iyo wariyaha Oodweynenews.com ee magaaladaasi Cabdiraxmaan Maxamad Cige.11428017_874507282629846_3065535464757299289_n_Fotor_Collage

Sida ay ilo wareedo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen xadhiga suxufiintan ayaa waxa ka danbeeyey wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer), sickness kaas oo mudooyinkii u danbeeyey walaaqayey gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera, isla markaana ay dadka deegaankaasi u bixiyeen Gaani, taliyihii hore ee qaybtii 26-aad ee ciidamadii Somalia xiligii dawladii Siyaad Barre, kaas oo camaladii qalafsanaa ee uu ku dhaqmi jiray ay sababi jireen inay dadwaynaha kiciyaan oo ay ka horkeenaan dawladii askarta ee waqtigaasi xukumi jirtay dhulka Somaliland.

Dhinaca kale sida ay xogahani Haatuf u sheegeen ciidamadda bilayska ayaa baadi-goob ugu jira sidii loo soo qab-qaban lahaa 8 qof oo ka mid ah mujaahidiintii SNM iyo Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS