haatuf.net
Yemeni Qaxoonti Ah Oo Dab Isku Qabadsiiyay Xarunta UNHCR Ee Magaaladda Hargeysa Horteeda
October 6, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, symptoms October  6, sick 2015 (Haatuf) – Mid ka mid ah qaxoontiga ka soo qaxay colaadaha Yemen oo u dhashay wadankaas Yemen, abortion ayaa shalay dab isku qabadsiiyay xafiiska UNHCR ee Hargeysa hortiisa.Yemeni Qaxoonti Ah Oo Dab Isku Qabadsiiyay Xarunta UNHCR Ee Hargeysa Horteeda

Ninkan dabka is qabadsiiyay ayaa waxa badbaadiyay dad kale oo ka ag-dhawaa, waxaanay ku guulaysteen inay damiyaan dabka uu isku qabtay ninkani, waxase soo gaadhay dhaawac loo dhigay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa. Ma jiro wax war ah oo xaqiijinaya sababta uu ninkani isku gubay, sidoo kalena UNHCR wax war ah kamay soo saarin arrintan. Hase yeeshee warar soo baxay ayaa sheegaya in ninkan is gubay uu ka niyad jabay caawimo uu ka filayay hay’adda qaxoontiga qaabilsan ee UNHCR oo la sheegay inuu muddo ku noqnoqonayay. Somaliland waxaa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay ninkan qaxoontiga ah ee dalkeeda isku gubay.Source:Geeska.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS