haatuf.net
“Dagaalkii Qorigu Wuu Dhammaaday Oo Waxaynu U Baahanahay Dagaalkii Qalinka, Dalkuna Wuxuu U Baahan Yahay In Lagu Hogaamiyo……” Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale
October 6, 2015 - Written by Admin Two

 

“Qof Walba Nidaamka Faasidka Ah Ee Mar Yimaado Meesha Uu Kaga Hadho, ambulance Ayuu Ku Suntanaada. Madaxweynaheenu Xukuumadii Siyaad Ayuu Ka Mid Ahaa, Maalin Buu Maya Yidhi Oo Uu Ka Tagay”

 

Hargeysa, October  6, 2015 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa waxa uu sharaxaad ka bixyey Siyaasada iyo sida ay dadku u haystaan, waxana uu tilmamaay inaanay Siyaasadu colaad ahayn ee ay la mid tahay Kubada Cagta.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isaga oo ka hadlayay Shalay munaasibad lagu daah furayey Jaamacada cusub ee Maroodi-jeex International University ayaa sidoo kale amaan balaadhan u soo jeediyey Wasiirkii uu xilka uga dambeeyey ee Maxamed Xaashi Cilmi oo uu ku tilmaamay inuu Miisaaniyadii  kordhiyey, “Waxa la igu yeedhay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa aan halkan ka xusaya Wasiirkii aniga iga horeeyey Walaalkay Maxamed Xaashi Cilmi oo aan jeclaa in hadalka lagu soo dhaweeyo, Maxamed Xaashi Cilmi Wasaaradda wuu iiga horeeyey, waxa uu ka qaaday iyada oo Xukuumadda dayn lagu leeyahay,  waxa uu ka qaaday iyada oo Xukuumadan Xukuumaddii ka horeeysay lagu leeyahay malaayiin dayn, wuu dhisay meel wanaagsan ayuu gaadhsiiyey, Mushaharkii wuu dalacay, waxa uu gaadhsiiyey Miyaasinayada meel wanaagsan, waan qirayaa waxa uu qabtay, aniguna waan uga dambeeyey halka uu gaadhsiiyey ayaan xoogay sii dhaafiyey, walaashay Samsam ayaa iiga dambaysay iyana insha alaah halkaas ayey ka sii wadi.”

Isagoo siyaasadda ka hadlaya wuxuu yidhi Samaale, “Col lama aha, Siyaasada col laguma ah, Siyaasadu waa sida tartamada  kubada la ciyaarayo dadku wey is jidh diidaan mararka qaarkood, waxa wada ciyaaray Arsenal iyo Manchester United, dad badan oo Kubada yaqaana wey idinku jiraan dad badan ayaa Manchester United u jiray, Manchester United kooxaha culculus ayey ka mid tahay xagga kubada cagta, laakiin xalay (Habeen hore), maxa ku dhacay 3-0 soo may ahayn, Siyaasaduna waa Kubada la ciyaarayo, waa la kala badiyaa, waa  la tartamaa, cadaawadi ma jirto, sidaas Jaamacaduhu u badanayaan ee aanu u hambalyeynayno, ayaa Tartanka Siyaasaduna u badanayaan, oo loo kala badinayaa, iyana sidaas ayaa la doonaya in la yidhaahdo Kooxdee ciyaar wanaagsan, oo  iyana la isku daba faylo”.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa mar uu ka hadlaayey aqoonta, siyaasiga iyo hogaamiyaha wanaagsan  yidhi “Maanta waxa laga yaaba in baahida qalinku ay ka badan tahay baahida qoriga, waxa aynu u baahanahay qalin, wanaag, aqoon, fikrad iyo hami, in badan Somalida meel kasta oo ay joogtaba waxa laga sheekeeya Maxamed Siyaad Barre, oo mar kasta la xasuusta, xasuusta ayaa waxa keenaya, Maxamed Siyaad Barre may wada xumayn taariikhdiisu ee maalmo badan oo wanaagsan wey lahayd, laakiin taariikhdii gabagabadu waxa ay ku dambaysay burbur iyo qabyaalad, nidaam walba maalma wanaagsa, maalmo qadhaadh iyo maalmo xunba wuu leeyahay, taariikhda inta wanaagsana way gashaa, inta dambe  waa inta burburka iyo xumaanta keenta ee laga dul talaabsado, ee la yidhaahdo MAYA, qof walba nidaamka faasidka ah ee mar yimaado meesha uu kaga hadho, ama uu kaga tago ayuu ku  suntanaada, oo waad xasuusan tihiin Madaxweynaheena Maanta taladda dalka haya Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ayuu ka mid ahaa, maalin buu maya yidhi oo uu ka tagay iyo intii kale ee halganka soo gashay ee dalka soo xoraysay ee in badan oo ka mid ahi maanta ina dhex joogto ILLAAHAY cimrigooda ha dheerayo, waxa aanu u mahadnaqaynaa intii wax hore inoo soo qabtay,Maanta waxa aynu rabnaa cid taariikhda gasha, oo halka la joogo meel ka sareeysa gaadhsiisa.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Ka bogsan mayno qabyaalada, qabyaalad ayaa sidaas inoo gashay, oo meel ina gaadhsiinayn ee ah  salaan lagu fuulo taladda dalka,oo marka uu qofku fuulo waxa uu doono sameeyo  marka dambe haddii aan la isku sheegin qiimo yeelan mayno,Somaliland Dalkayga, Somaliland Wadankayga, Somaliland Qarankayga, Somalilandna maanta waxa ay maraysa Somaliland markayga.”

Dhanka kale waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyey Dr Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee mudada badan wakhtigiisa geliyay horumarka Somaliland.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS