haatuf.net
Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Weerarkii Ay Kusoo Qaadeen Gurigiisa Dablayda Suldaan Wabar
October 7, 2015 - Written by Admin Two

Boorama, unhealthy October  7, 2015 (Haatuf) – Dabley hubeysan, ayaa waaberi ku dhawaadkii weerartay guriga uu Magaaladda Boorama ka degan yahay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha, ayaa si adag isaga caabiyay xoogagii soo weeraray, iyagoona ku khasbay inay dib kaga gurtaan hoyga Guddoomiyaha, ka dib iska horimaad fool ka fool ah. xiliga ay dableydani weerarka ku soo qaaday aqalka badhasaabka ayaa ku beegnayd abaaro 3:30, goortaas oo uu hurday guddoomiyuhu, balse sida uu sheegay uu ku baraarugay dhawaqa rasaasta.

Gudoomiyaha oo weerarkan ka hadlay, ayaa sheegay dableyda soo weerartay inay u carartay dhinaca xuduuda Itoobiya, ayna ku baxeen Ciidanka Somaliland oo baacsanaya dableydaasi, sida uu yidhi.ramaax

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ilaaladiisii lagu dilay weerarkaasi, halka laba kalana sida uu sheegay laga dhaawacay.

Gudoomiye Ramaax oo la hadlay BBC, ayaa xusay inay tuhunsan yihiin in dableydaasi ay taabacsan tahay Suldaan Wabar, oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland.

Suldaan Wabar, ayaa dagaal jabhadayn ah kula jira Xukuumadda Somaliland, iyadoona uu ka hor yimid mawqifka gooni isutaaga SomalilandRAMAAX

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS