haatuf.net
Ciidamada Itoobiyaanka Oo Hawlgal Ay Ku Sugayaan Amaanka Ka Wadda Deegaanada Xadka Ee U Dhaxeeya Dharwanaaje Iyo Aw-Barre
October 8, 2015 - Written by Admin Two

Boorama, viagra 40mg October 8, buy 2015(Haatuf)-Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maanta bilaabayinay hawlgal sida la sheegay ay ku sugayaan ammaanka deeganada xadka ee u dhaxeeya Dharwanaaje ilaa Aw-Barre ka dib markii koox hubaysan oo loo tirinayo Suldaanka falaagoobay ee Wabar ay waabarigii habeen hore weerar ku soo qaadeen guriga uu Boorama ka degganyahay Badhasaabka gobolka Awdal Maxmuud Cali Saleebaan (Ramaax),halkaasoo ay ku dileen 2 ka mid ah ilaaladiisii qaar kalena dhaawacyo u geysteen.

Hawlgalkaa ciidamada Itoobiyaanka oo ka socda dhulka lagu tuhunsanyahay inuu ku dhuumaalaysto suldaan Wabar iyo ciidankiisu ayaa waxa la sheegayaa in lagu soo qabtay gaadhigii uu Mr Wab wadan jiray Mr Wabar isagana lagu daba jiro si gacanta loogu soo dhigo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS