haatuf.net
“Ma Aha In Koobka Ciyaaraha Goboladu Inooga Ekaado Qabyaaladii Oo Koob Loo Dhigay”Cabdikariim Axmed Mooge
October 8, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, order October 8, 2015 (Haatuf) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo hadda u ol-oleeyay la dagaalanka Qabyaaladda Iyo Sinaanta Shacabka reer Somaliland,ayaa ka digay inla qabladeeyo Ciyaaraha Goboladda Somaliland,isla markaasna waxa uu Wasaaradda Ciraayaha usoo jeediyay inay go’aamo ganaax adag ah kasoo saarto ciddii lasoo if-baxda Qablaad lagu kala xigtaysanayo Ciyaar-yahanadda.MOOGE

Sidaasna waxa uu ku sheegay Cabdikariim qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga, qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa isaguna u dhignaa sida tan:- “Ma aha in koobka ciyaaraha goboladu inooga ekaado “QABYAALADII OO KOOB LOO DHIGAY” ku tageer gobolka aad jeclaato ciyaartooda, akhlaaqdooda, diraysqaadkooda IWM, ha laga daayo ciyaaraha qabyaalada oo halagu doono ciyaaraha gobolada midnimo iyo dhexgal-bulsho. sidoo kale waa in masuuliyiinta wasaarada ciyaaruhu soo rogaan ciqaabo/ganaaxyo ka dhan ah gobolka ciyaartoygiisu ama tageerayaashisu mujiyaan ficilo qabyaaladeysan”.MOOGE

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS