haatuf.net
Wasiirka Macdanta Oo Koox Mafia Ah U Adeegsanaya Inay Macdan Ka Soo Xadaan Buurta Shiilamadaw Ee Degmada Xudun
November 18, 2015 - Written by Admin Two

Xudun, cheap November 18,2015(Haatuf)-Niman ka tirsan koox Mafia ah oo ku caan ah inay macdanta qaaliga si tuuga ah uga guurtaan qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa hadda ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool si ay macdan uga soo xadaan Buurta Shiilamadaw ee ku taala deegaankaasi.

Nimankan macdanta xadaya ayaa waxa Buurta Shiilamadow u diray wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo mudadii lix sanadood ku dhawaadka aheyd ee uu xilkan soo hayey isaga laftiisu caan ku noqday laaluushka iyo dilaalka uu ka qaato kooxo budhcad ah oo ka baayacmushtareeya rukhsadaha baadhista(exploration license) shidaalka iyo macdanta kuwaasoo ay macaash weyn ka helaan markay cidkale dib uga iibiyaan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS