haatuf.net
Wafdi Imaaraati Ah Oo U Socda Wareejinta Dekadda Oo La Filayo Inuu Caawa Madaxweyne Siilaanyo Kula Kulmo Berbera
November 19, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, vialis 40mg November 19,2015(Haatuf)- Waxa ilaa shalay magaalada Berbera ku sugun wafdi ka socda shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta oo ay xukuumadda Somaliland damacsantahay inay ku wareejiso dekadda Berbera,waxaana la filaya in madaxweyne Siilaanyo laftiisu uu maanta u ambabaxo Berbera si uu halkaas kula kulmo wafdigaasi.

Wafdigan oo uu horkacayey Baashe Cawil( Morgan) aya waxay shalay boqasho ku tageen Ceel Gerde oo ahaanjirtay dekad qadiimi ah isla markaana 40 km dhinaca waqooyi bari  uga jirta Berbera.Siday ilo u dhuun daloola wafdigani sheegeen, qodobada heshiiska wareejinta dekadda ,inkastoo ay wali qarsoodi yihiin, ayaa mid ka mid ahi waxa uu dhigayaa in shirkadda Imaaraatiga ahi ay deegaanka Ceel Gerde ka fuliso mashaariic lagu naasnuujinayo dadka halkaasi ku nool.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS