haatuf.net
Hilibleyaal Tabaalaysan Oo Soo Bandhigay Wacad-Fur Ay Ka Tabanayaan Waran Cadde & Cabdilaahi Fadal
November 21, 2015 - Written by Admin Two

 “Waxaanu Ahayn Baallashii Uu Ku Duullay KULMIYE, drugs Annaga Oo Door Weyn Ka Qaadanay Guushii Uu Gaadhay Xisbigu”– Nuxurka Wacad-fur Ay Hoggaanka Hilibleyaasha Hargeysi Ka Tabanayaan Waran-Cadde iyo Taliyaha Bilaysya

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa, ed September  21, 2015  (Haatuf) – Guddida Iskaashatada Hiliblayaasha caasimadda Hargeysa Ee NAFAQO ayaa si adag uga hadlay ballan uu u qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waranacade oo aanu halkeedii ugu tagin, waxa ay sheegeen inaanu wasiirku wali xal ka dhalin murankii u dhexeeyey Nafaqo iyo Shirkada haysata qandaraaska Qaliinka Xoolaha,kuwaasi oo maryo dhiigleh dhawaan ku kala furtay lacag saayid ah oo ay shirkadaasi ku kordhisay Nafaqo, balse markii dambe ay soo kala dhex gashay Xukuumaddu,balana u qaaday inay arintaasi baadhayaan, go’aan ka soo saari doonaan. Qoraal dheer oo ay qaar ka mid ah hoggaanka Shirkada Hiliblayaasha  NAFAQO  soo saareen  ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka cabanayaan balan fur ay ku sameeyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, Taliyaha Bilayska Somaliland   Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Maayar ku xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Caga Weyne, waxa ay sheegeen in dhawaan ay shaqo joojin ka sameeyeen lacag ay sheegeen inaanay iska bixin Karin oo aanay munaasib ahayn in mar qudha la kordhiyo,oo ay shirkada Maandeeq ee Qaliinka Xoolaha Hargeysi ku saayidisay, taasi oo ay meel adag ka istaageen balse ay soo dhex galeen Masuuliyiintani kor ku xusani,oo ay u balan qaadeen,hortoodana dhaar ugu mareen inay lacagtaasi baadhis ku samayn doonaan islamarkaana ay ku cadaadin doonaan inay shirkada ku qanciyaan inay lacagtaasi ay kordhisay joojiso. “Anagoo ah iskaashata NAFAQO ee lixda degmo ee Caasimada Hargeysi ka kooban tahay ,islamarkaana ah gudidii loo saaray Hawshaa ee heshiiska lalagalay ee wasiirku dhaar noo maray inuu hawshaasi dhamaynayo,ee uu naga codsay inaanu shaqadii sii wadno,waxa aanu halkan ka cadanaynaa in balan fur lanagu sameeyey oo khilaafkii naga dhexeeyay Anaga iyo Maandeeq uu halkiisii taagan yahay,oo aan waxba laga qaban,Hawshayadii halkii lagama qaadin,cid soo baadhay wixii aanu ka cabanaynay majirto,dawladu markasta anaga ayay nagu ciirtaa,Wasiirka iyo Masuuliyiintii noo yimid maalintii aanu shaqa joojinta samaynay,maalintii ayaa noogu dambaysay  oo dib noogumayn iman balantii iyo dhaartii ay galeen halkii ayay taalaa wax lanagu ilaawayna garan mayno”. Waxa ay qoraalkani sidoo kale ku yidhaahdeen “Markii lacagtan lanagu kordhiyay waatii dadku ka gadoodeen ee ay dadku xoolahoodii joojiyeen,halkii aanu ka eegaynay inuu Wasiir Warancade wax qabto dadkii kacdoonkan abuuray ayuu anaga xagayaga u soo kacay, Anagoo ah ururka nafaqo tanaasul ayaanu samaynay,waxaananu heshiis ku meel gaadh ah laqaadanay Wasiirka Arimaha Gudaha Warancade,Taliyaha Bilayska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Maayar ku Xigeenka heshiis ku  meel gaadh ah anagoo eegaya danta qaran iyo bulshadeena danyarta ah,Albaabada uunbaa lanaga xidhay,cidi nooma iman,sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa cidkasta oo arimaha bulshada danaysa in hawshaasi wax lanooga qabta haddii kale anaga ayay na jirtaa wixii aanu yeelanayno”. “Markii aanu heshiiskaasi ku meel gaadhka ah ee hawshaasi wax lagaga qabanayo aanu gaadhnay Anaga oo ah ururka Nafaqo iyo,Masuuliyiinta kala ah Wasiirka Arimaha gudaha iyo taliyaha bilayska iyo Maayar ku xigeenka Hargeysa ayaa Isla maalintiiba waxa shir jaraa’id naga daba qabtay Maayar ku xigeenka oo sheegay in hawshaasi laga heshiiyay,waanu awoodaynay inaanu ka daba hadalno laakiin waxaanu ku dhaafnay oo aanu ku ixtiraamnay Wasiirka iyo Jananka Bilayska oo aaanu qadarin u hayn kuna kalsoonayn inay wax ka qabanayaan Hawshaasi,iyo Xukuumadda oo ah xukuumaddii wax qabadka oo uu hogaaminayo Halyaygii wadanka xoreeyay anagun aanu door  weyn ka soo qaadanay Guushii uu gaadhay kulmiye,oo aanu ahayn taageerayaashii Xisbiga iyo baalashii uu ku duulayay”. Ugu dambayn waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo goleyaasha qaranka in arintooda loo soo jeesto oo aan lagu halayn masuuliyiintii hore beenta ugu sheegay, waxaanay qoraalkooda u dhigeen sidan “Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada gaar ahaan gudida arimaha bulshada iyo cidkasta oo u heelan wax ka qabashada arimaha bulshada inay arintayadan soo faro galiyaan oo ay gartayada dhagaystaan, waxa nagu dhacay dulmi iyo tacadi, anagoo ixtiraamayna geedi socodka Nabadgalyada dalka iyo deganaashiyaha, Waxaanu rabnaa inta aanaan markale shaqo joojin iyo buuq dambe dhalin in arintayada xil la iska saaro oo umada loo hoos loo eego oo lacagtan xaaraanta ah ee lana saaray laga qabto”.

Xubnaha NAFAQO ee Qoraalkan Ku Saxeexan.

1.Cabdilaahi Mooge Cigaal

Naasir Maxamuud Cabdilaahi

Cabdiqadir Axmed Muxumed

Siciid Xasan Aadan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS