haatuf.net
Marwada madaxweyne Siilanyo oo dhagax dhigtay Fooq Afar dabaq ah oo looga binaynaayo Koonfur-galbeed Berbera+Sawirro
November 22, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, buy September 22, 2015 (Haatuf) – Sida ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews Marwada  madaxweyne Siilanyo Amina Weris Jirde oo Saygeeda ku wehelinaysa Safar uu ku joogo magaalada Berbera ayaa dhinaceeda bixisay Qandaraaska Guri looga binaynaayo Bogcad balaadhan oo Dhul daguud ama qaran ah oo dhacda Koonfur-galbeed Berbera, haddaan si kale u dhignana u dhaxaysa Guriga uu degan yahay Maareeyaha Dekeda berbera Cali Xoorxoor iyo Guriga Baanka.

Bogcadan Marwadu dhismaheeda dhagax dhigtay sida sawirkan ka muuqata oo aad u  balaadhan ayaa cabirkeeda lagu sheegay 200Mx100M,waxaana qorshuhu yahay sida naqshadu sheegayso in laga qotomiyo Dhismo Afar Dabaq ah  oo ka mid noqon doona Dhismayaasha ama Fooqyada ugu dhaadheer magaalada Berbera, Ku darsoo Kharashka dhismaha ku bixi doona Fooqan ayaa waxaa wadajir u bixin doona Dekeda & Dawlada Hoose ee Berbera.

Dhugo baaxaday ku fadhido Barxada Guriga laga dhisaayo oo dhinacyo badan laga sawiray:-

image-152e8c3026bdfc717cb933f5e2cefb326a7cb97db193da2b5804b712c13d5703-Vimage-50e1850e535cf544ffa3f24812b7371e1e858ab17538817aa0906549bb7fde3e-Vimage-0d06931ae9fef4dc9518cc6f26e645bb85d50af1e8cea313a2b4b3a60da18aa0-V

Source:Qarannews.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS