haatuf.net
“Nepotism(Qaraabo Kiil), waa cudurka dilla dawlad wannaaga , Qabyaaladda Iyo Qaraabakiilkuna Dhiig Bax Bay Ku Hayaan Somaliland” Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga xukuumadda Siilaanyo Dr. Maxamed Yaasiin Xasan
November 22, 2015 - Written by Admin Two

London, vcialis 40mg November  22, denture 2015 (Haatuf) -Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga xukuumadda Siilaanyo Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa si adag uga hadlay dhibaatada qabyaalada iyo sidoo kale saamaynta xoogan ee ay ku yeelan karto koritaanka iyo jiritaanka dal ba, waxaanu carabka ku adkeeyay in qaraabo kiilku uu yahay cudur aad u wayn oo dila dawlad wanaaga iyo horumarka umaddeed.

Dr.Maxamed Yaasiin Xasan wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay baraha bulashadda ee Facebuuga, waxaanu si adag u tilmaamay in dadka qabyaaladda adeegsadaa yihiin kuwo aan naftooda ku kalsoonayn.

Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga  ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook, isagoo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan;-

“Nepotism(Qaraabo Kiil), waa cudurka dilla dawlad wannaaga. Qofku waxa aanu aqoon ee aanu karti, waayo aragnimo iyo xaq mid-na u lahayn oo aad qaraabonimo ku siiso waxa la yidhaahdaa Qaraabo kiil (Nepotism).

Waxa si aad ah u isticmaala siyaasiyiinta aan isku kalsoonayn iyo ganacsatada bakhayliinta ah ee aan dadka aan xigin horumarka la jeclayn, waana cudur bulshada iyo dadka ku dhaqma kala dila, wadamada soo korayana dhibbaato xoog leh ayay ku haysaa. Somaliland qabyaaladda iyo qaraabo kiil ku dhaawac dhiig bax ah ayay ku hayaan, cadaaladdii iyo sinaantii wadankana dhibaato wayn ayay ku hayaan, waxa ugu danbeeyay qaraabo kiil aynu aragno, oo wax lala yaabo ahayd, liiskii uu soo xulay Muuse Biixi ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaas oo lagu daray marwaddii Madaxwaynaha iyo inanka uu Soddoga u yahay iyo xigtadoodii oo aynu qof qof u naqaano.

Waxa iyana ka horaysay madaxwaynaha oo inankaa ku magacaabay safiir aan Safaarad lahayn, magacaa safiirnimo-na hanti badan illaa maanta lagu lunsanayo, waa qaraabo kiilkii oo aan biyo ismarin”. Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Dr.Maxamed Yaasii Xasan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS