haatuf.net
Madaxda Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Maanta Shir Aan Noociisu Hore dalka Uga Dhicin Ku Qaabilay Dadwayne Ka-Kala Socda Xaafaddaha Magaaladda
November 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, buy September 23, vcialis 40mg 2015 (Haatuf) – Waxa maanta barxad ku taala xarunta dawladda hoose ee Hargeysa ku qabsoomay shir aan noociisu hore dalka uga dhicin oo ay Maayar Cabdiraxmaan Caydiid, and ku xigeenkiisa Cabdicasiis Caga-wayne iyo xoghayaha Fulinta Ibraahim Axmed Raabi ku qaabileen dadwayne ka kala socday xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay masuuliyiinta dawladda hoose ay dadwaynihii xaafadaha caasimadda ka socday kaga dhagaysteen tabashooyinka ay qabaan iyo adeegyada ay doonayaan in wax lagala qabto.

Shirkan loogu wan-qalay Hargeisa Town Meeting ayey Maayarka iyo gacan-yarayaashiisu kaga jawaabayeen su’aalo ay dadwaynuhu shirka ku dhex-waydiiyeen, waxaanay masuuliyiintaasi sharaxaad ka bixiyeen qorshe-yaasha dawladda hoose ee ku aadan kor u qaadista adeegyada ay  bulshadda u fidiyaan sida qorshaynta habdhismeedka magaaladda (Town Planning) nadaafada, dhismaha iyo dayactirka wadooyinka, saldhigyada bilayska, kaabadaha lagaga talaabo laagaha,  guud ahaan faya-dhawrka magaaladda iyo adeegyo kale. Shirkan oo loo soo agaasimay qaab-cusub oon looga baran ayaa waxay dadwaynihii ka qaybgalay iyo madaxdii dawladda hoose fursad ugu heleen inay iyagoon cidi u dhaxaynin ay si toos ah uga wada hadlaan danaha guud ee khuseeya deegaankooda Hargeysa, iyadoo ay maayarka Solteclo balan-qaaday inay kulamada noocan oo kale ah joogtayn doonaan oo ay dhawrkii biloodba mar qaban-doonaan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS