haatuf.net
“Qofkii Aanu Is Leenahay Muuse Biixi Iyo Cirro Wuu Ka Adkaan Karaa Ayaa Xisbigu Talladiisa La Gelayaa”
November 28, 2015 - Written by Admin Two

“Maxamed Biixi Waa Saaxiibkay, adiposity Xirsi Waa Nin Abaal Igu Leh, unhealthy Samaalle Waa Nin I Sharfa  Waanay Iska Sharixi Karaan Ucid”Eng. Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa, September 28, 2015  (Haatuf)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu dhawaan Burco u tagay sidii uu taageereyaasha isbahaysigii dimuqraadiyad doonka KULMIYE ugu boorin lahaa inay ku soo biiraan xisbigiisa haddii ay goostaan inay ka baxaan xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in raggii xisbiga KULMIYE ka biyo diiday ay ku jiraan rag badan oo saaxiib ay yihiin isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku soo biiraan xisbiga cadaalladda iyo daryeelka ee UCID.faysal cali waraabe

Guddoomiyaha UCID waxa  uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay barnaamijka hal-adayg ee ka baxa Horn Cable TV,waxaanu yidhi “Xaq baanu u leenahay dadka xisbiga KULMIYE ka biyo diida inaanu la hadalno. Burco waxaan u tagayna waxay ahayd in raggaas (isbahaysiga KULMIYE)  cidii taageersani Inaanay xisbiga kale tagin ee ay annaga (UCID) na sugaan. Xaq bay u leeyihiin inay noo yimaadaan.Maxamed Biixi waa saaxiibkay, Xirsi waa saaxiibkay waliba waa nin aad abaal iigu leh weeye. Cabdi-casiis Samaalle waa nin aad ii sharfa weeye. Waa ninkii axsaabta lacagta miisaaniyadda noo kordhiyay in kasta oo uu dalka oo dhan u kordhiyay, Cabdirisaaq Khilaaf Wasiirkii hore ee hawlaha guud waa saaxiibkay.iyagoo dawladda ah ayaanu wada shaqayn jirnay markaa haddii ay noo yimaadaan oo ay xisbiga nala dhisaan xaq bay u leeyihiin oo waliba xaq bay u leeyihiin xataa inay iska sharaxaan.”

“Waxaanu jecel nahay inaanu xisbigan (UCID) ka dhigna xisbi qarrameed oo dadka oo dhammi iskugu wada yimaadaan oo aan qabiil lagu suntin. Sida imika qaar qabiil ku suntan yihiin. Markaa Inuu xisbi qaran noqdo oo Somaliland oo dhami leedahay barri illaa galbeed ayaanu doonaynaa. Gacmo furan ayaan raggaas ku soo dhaweynayaa waa saaxiibadey, waxaanu ka tashanaynaa sidii haddii aanu soo baxno sidii Somaliland  ictiraaf u heli lahayd oo aanu u dhisi lahayn  dawlad midnimo qaran. Cidna ka qadin mayno annagu,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dacaayado ay Jamaal Cali Xuseen  ka fidiyo, waxaanu ku dooday Inaanu ahayn “Biidhi-qaate.” “Xisbiga Anigu dantiisa suldaan iyo cid kale toona u dabo fadhiisan maayo, annagu qof dantiisa ma horeysiino. Danta xisbiga iyo danta dalka ayaanu horeysiinaa,”ayuu ku dooday Faysal Cali Waraabe, waxaanu hadalkiisa ku kabay “Qofkii aanu is leenahay xisbiga wuu soo saari karaa oo Muuse Biixi Iyo Cirro waa laga horgeyn karaa, ama wuu ka adkaan karaa ayaa talladiisa la gelayaa.annagu qof iska caashaqi mayno. Arrinta Xisbiga UCID noqon mayso Arrin Ciise Muuse Iyo Ciidagalle u dhaxaysa ee waa arrin xisbi oo xisbiga ayaa eegaya.”

“Xisbiga UCID wuu jirayaa, foodkana wuu helayaa. Waa wakhtigii xisbiga UCID, labada xisbi ee kale waa la soo tijaabiyay midina dawladda ayuu xukumayay , midna Baarlamaanka. Murrashaxiintana waa la yaqaanaa rikoodhkii ayaa la hayaa,”Ayuu odoroskiisa sal uga dhigay Eng. Faysal Cali.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS