haatuf.net
Munaasibado Lagu Xusayey Wariyeyaashii Ka Geeriyooday Telefishanka HCTV Oo Maanta Lagu Qabtay Hargeysa Iyo Muqdisho
December 19, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, erectile December  19, view 2015 (Haatuf) – Laba munaasibadood oo loogu baroor-diiqayey saddexdii wariye ee ka geeriyooday Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa maanta  lagu kala qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaas oo ku kala geeriyooday magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Sadexda suxufi ee ka baxay bahda HCTV oo Alle ha u naxariistii kala ahaa Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo ahaa madaxii wararka ee xafiiska telefishankaas ee magaaladda Muqdisho ayaa isagoo hawl maalmeedkiisii shaqo ku gudo- jira 18-kii December 2011-kii nin xidhan dirayska ciidanka dawladda Somalia uu madaxa ka toogtay, kaas oo ifka kaga tagay sida la online viagra'>online viagra sheegay afar caruur ah, halka marxuum C/risaaq Cali Cabdi Silver oo ahaa wariyihii HCTV ee magaaladda Gaalkacyo lagu dilay meel gurigiisa waxyar u jirta, kaas oo isaguna ifka kaga tagay 2 wiil, isla markaana wariyaha 3-aad oo ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo isagu ahaa sawir qaade ka hawlgalayey magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland uu horaantii sanadkan ku geeriyooday shil baabuur oo uu ku galay jidka Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya ayaa isaguna ka tagay hal wiil.

Munaasibaddan xuska ah ee ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo kasoo qaybgalay  siyaasiyiin, suxufiiyiin, aqoonyahano, suxufiyiin iyo guud ahaan bahda HCTV ee ay ka baxeen sadexdaa marxuum, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha ururka Sufufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), guddoomiyaha dalladda ururadda aan very good site viagra for sale dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF Mustafe Sacad, Guddoomiyaha HCTV, Farhan Haji Ali, Suxufi Yoonis Cali Nuur iyo wariyeyaal kala duwan oo ka kala socday bahda Saxaafadda Somaliland.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, kaas oo si qoto-dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee telefishankaasi soo maray, iyo kaalintii ay ku lahaayeen saddexda marxuum ee la xusayey horumarka tv-ga, kaas oo ku dheeraaday sida ay maamulka HCTV mar walba uga go’an tahay inay xusaan oo ay xasuustaan guud ahaan shaqaalahooda inta nool iyo inta dhimatayba. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guud ee HCTV Farxaan Xaaji Cali oo isaguna dhinaciisa ka warbixiyey ujeedada munaasibadaasi ay ugu baroor-diiqayeen sadexdaas suxufi ee ka baxay bahda HCTV, kuwaas oo uu ku tilmaamay halyeeyo ka baxay saxaafada afka soomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan Horn Cable Tv.

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay Guddoomiyaha SOLJA Mr Xuuto, Guddoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad, Cali Seenyo iyo  Ducaale oo ka tirsan bahda HCTV iyo waliba sidoo kale Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo maamulka telefishanka uga mahadnaqay sida ay u xasuusteen shaqaalahoodii iyo wariyeyaashoodii xaqu helay ee geeriyooday.

Dhinaca kale ugu danbayn dhamaan masuuliyiintii kala duwanayd ee munaasibadaasi ka hadlay waxay si wayn ugu amaaneen maamulka HCTV sida ay iskaga xil-saareen ilaalinta iyo dhaqaalaynta qoysaskii ay ka baxeen 3-da suxufi, kuwaas oo sida madasha laga sheegay midkasta uu qoyskiisii iyo caruurtiisu qaataan mushaharkiisii, iyadoo waliba wixii kale ee suurta-gal ahna ay la qabtaan markasta maamulka HCTV.

 

Wariyeyaashii HCTV

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS