haatuf.net
Farsamo Cusub Oo Danyarta Lagu Dhacayo:Sarifkii $ Oo Dhawr Cisho Ku Gaadhay 6000 Iyo Maceeshadii Oo Halkeedii Taagan
January 23, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, ed January 23, story 2016(Haatuf)-Qiimaha raashiinka,shidaalka iyo badeecadaha kale ee daruuriga ah ayaan wax iska badalin inkastoo sarifka lacagta Somalilandna muddo dhawr cisho ah ku gaadhay Sl Sh 6000 calaa Doolar iyadoo uu todobaad ka hor marayey 7900 halka Khamiistii doraad lagu kal iibsanayey 7500 taasoo uu ka dhashay jaahwareer weyn oo sababay in maanta suuqyada wax lagu kala iibsan kari waayo.

Hoos-u-dhacan weynee qiimaha dinaadoolarka ee maceeshadina wali halkeedii taagantahay ayaa loo aanaynaya lacago farobadan oo Shillinka Somaliland ah oo ay xaraysteen Baanka dawladda iyo qaar ka mid ah ganacsatadu taasoo ay dadka badankoodu u arkaan farsamo cusub oo dadka danyarta ah lagu dhacayo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS