haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Iyo Kaadiriyiinta Kulmiye Oo Socdaal Ku Tagaya Gobolada Bariga Somaliland
January 31, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, denture January 31, 2016 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa la filaaya inay socdaal ugu baxaan Gobolada Bari ee dalka, gaar ahaan Gobolka Togdheer iyo Sool.

Macada u jeedada rasmiga ah ee  socdaalka Madaxweynuhu salka ku hayso, balse sida warar ku dhaw dhaw ay u xaqiijiyeen warbaahinta, safarka Madaxweynaha ayaa ku jihaysan ka qayb galka xuska Ciidamadda Qaranka oo ku beegan Isniinta 2/2/2016, iyadoo sannadkan xuska lagu qaban doono Degmada Oog ee Gobolka Saraar.

Dabaal dega sannad guurada aasaaska Ciidamadda Qaranka oo hore loogu qaban jiray caasimadda Hargaysa ayaa sannadkan loo raray dhinaca magaalada Oog, halkaas oo uu Madaxweynuhuna kaga qayb gali doono.

Sidoo kale waxaan safarka Madaxweynaha ka madhnaan doonin arrimaha Siyaasadda iyadoo wakhtigan ay siweyn gobolada bari ugu tartamayaan xisbiyada KULMIYE iyo WADANI ilaa hadda.

Degaanada uu Madaxweynuhu safarka ku tagaayo iyo kuwuu sii maraayo gaar ahaan Togdheer iyo Caynaba ayaa ah meelaha uu sida weyn isugu halaynaayo Xisbul Xaakimka KULMIYE, iyadoo la filaayo maadaama Madaxweynuhu yahay aasaasihii Xisbiga inay kaadirka KULMIYE u soo jeediyaan Madaxweyne Silaanyo ka qayb qaadashada ololaha taageero doon ee Xisbiga.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS