haatuf.net
Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur Oo Xabsi iyo Xil Ka Xayuubin La Isku Raaciyey Ka Dib Markii Uu Salaan Siiyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani
February 5, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, bronchi February 5, herbal 2016 (Haatuf) – Taliyihii Saldhiga ciidanka Bilayska ee degmadda Ibraahim koodbuur ee magaaladda Hargeysa Kabtan Badel Xasan ayaa amar uu soo bixiyey Taliyaha ciidanka Bilayska Cabdilaahi Fadal Iimaan xabsiga loogu taxaabay  ka dib markii uu salaam siiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaga iyo saraakiil xisbigiisa ka tirsani ay shalay saldhigaasi ku booqdeen ganacsadaha Cumar Caydiid oo ay xukuumadda Siilaanyo xabsiga u taxaabtay.

Sidoo kale Taliyihaasi ayaa markii xabsiga loo taxaabay isla markaana xil ka xayuubin degeg ah lagu sameeyey iyadoo sida ay xogaha laga helayo arrimahaasi Haatuf u sheegeen inay amarkaasi soo bixisay oo ay fartay taliye Fedel marwada Madaxwaynaha Aamina-waris oo iyada sida la sheegay aad uga cadhootay salaanta iyo soo-dhawaynta uu Taliye Bedel  u sameeyey Cabdiraxmaan Cirro.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS