haatuf.net
Wafdi Masaari Ah Oo Hargeysa Yimid Iyo Dawladda Xamar Oo Sheegtay In Masar La Wareegayso Kaalintii Dhexdhexaadinta Ee Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia
April 5, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale April 5, thumb 2016(Haatuf)-Dawladda Xamar iyo diblomaasiyiin Masaari ah ayaa sheegay in dawladda Masar ay la Account Suspended

Account Suspended
This Account has been suspended.
Contact your hosting provider for more information.
wareegi doonto doorkii martigalinta iyo dhexdhexaadinta ee uu dalka Turkigu ku lahaan jiray wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyadoo uu maanta magaalada Hargeysa soo gaadhay wafdi balaadhan oo Masaari ah oo uu hogaaminayo wasiirka u qaabilsan arimaha Afrika Maxamad Idriis.

Wafdigan Masaarida ah oo ka soo kicitimay magaalada muqdisho ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu heshiis milatari la soo galay xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo ay Masaaridu gacan weyn ka geysan doonaan mashruuc balaadhan oo ciidan loogu dhisayo dawladda Somalia kaasoo ay kharashkiisa bixin doonaan dawladaha khaliijku.

Hogaamiyaha dawladda Xamar ee Xasan Sheekh oo mudooyinkan dambe lumiyey taageeradii dawladaha Igad iyo reer galbeedka, health sidaas darteedna ay dibu-doorashadiisii cidhiidhi gashay, ayaa waxa uu hadda culayska saaray inuu xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalka Masar iyo dawladaha Khaliijka kuwaasoo uu rajaynayo inuu ka helo taageero diblomaasiyadeed,dhaqaale iyo ciidan oo uu ku soo baxo.

Waa markii ugu horaysay ee masuul ka socda dawladda Masar oo darjadiisu wasiir tahay uu yimaado Somaliland taasoo qaar ka mid ah dadka ka faaloodaa arimaha siyaasaddu ay u arkeen talaabo lagu nashuushadaynayo horumarka ay Somaliland iyo Ethiopia dhawaan ka gaadheen heshiiskii Berbera Corridor ee nidaaminayey xidhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal  iyo waliba isticmaalka Ethiopia ee dekedda Berbera.Siday ilo dibIomaasiyadeed sheegeen,safarka wafadigani uu Hargeysa ku yimid ayaa waxa gacan ka geystay inuu qabsoomo wiilka madaxweynaha Somaliland soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo xidhiidh fiican la leh Xasan Sheekh.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS