haatuf.net
Wakiilada Kulmiye Oo Ka Dareeray Fadhigii Maanta Ee Lagu Ansixin Lahaa Qodobkii Sharci Ee Banaynayey In Diwaangalinta Codbixiyeyaasha La Dhameystiri Karo 6-da Bilood Ee Doorashada Ka Horaysa Gudahood
April 16, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,April 16,2016(Haatuuf)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee xisbiga Kulmiye ayaa maanta ka dareeray fadhigii lagu ansixin lahaa mooshin sharci oo madaxtooyadu golaha u soo gudbisay kaasoo saamaxaya in diiwaangalinta codbixiyeeyaasha la dhameystiri karo 6-da bilood ee doorashada ka horaysa gudahood halka markii hore ay aheyd in diiwaan galintaasi la hirgaliyo 6 bilood doorashada ka hor.

Mooshinkan sharci ee cusub ayaa loo baahday inuu isbadal ku sameeyo kii hore ee xadidayey muudada lagu dhameystirayo diiwaangalinta codbixiyeyaashu inay noqoto 6 bilood ka hor taarikhda ay doorashadu qabsoomayso ka dib markii horaantii bishan ay xukuumadda,labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid iyo Komishanka Doorashooyinku isla garteen in mudo hal bil ah la hakiyo diiwaangalintii codbixiyeyaasha ee dalka ka socotay abaaraha dalka ka jira darteed taasoo uu xibiga Wadani ee mucaaridka ahi ka biyodiiday.Golaha wakiilada ayaan ilaa hadda ansaxinin hakadkii la galiyey diiwaangalinta iyo isbadalkii sharci ee uu madaxweynuhu soo jeeday midna taasoo ay ugu wacanyihiin xildhibaanada taageera dawladda oo ilaa maalintii mooshinkaasi golaha la horkeenayba ka warwareegayey in kooramka golahu buuxsamo.Hab-dhaqankan xildhiibaanada Kulmiye ayaa ujeedadiisa loo badinayaa cimri dherar iyo mudo kordhin cusub oo ay xukuumudda u salaxayaan.Waxase la filayaa in 24 saacadood ee socda uu madaxweyne Siilaanyo culays saaro xubnaha wakiilada ee Kulmiye ka dib markii ay digniini uga timid dhinaca dawladaha deeqda bixiya kuwaasoo ay doorkan ka go’antahay inay xayiraad saaraan Mr Siilaanyo iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa hidii ay mudo kordhin xukuumadda ahi hadana timaaddo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS