haatuf.net
Masar Iyo Turkiga Oo Ku Tartamaya Gacan-ku-Haynta Saldhig Ciidan Oo Ay Dawladaha Khaliijku Ku-Talo-Jiraan Inay Ka Sameystaan Berbera
April 20, 2016 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, price viagra April 20,2016(Haatuf)-Labada dawladood ee Masar iyo Turkiga ayaa waxa ka dhex-dilaacay dagaal qabow oo ugu tartamayaan gacan-ku-haynta saldhig ciidan oo ay dawladaha Khaliijku ku talo jiraan inay ku yeeshaan magaalada reer Somaliland ee Berbera taasoo ujeedada ay ka leeyihiin tahay in ciidamada cirka iyo badda ee dawladaha Isbahaysiga dagaalka kula jira maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ciidamada wali ka amar qaata madaxweynihii Yaman Cali Cabdalla Saalax ay isticmaali karaan madaarka iyo dekedda Berbera marka loo baahdo.

Siday diblomaasiyiin u dhuun daloola arimahani ay Haatuf u tibaaxeen, dawladaha Isbahaysiga Carbeed gaar ahaan dawladda Imaaraatka ayaa damacsan inay saldhigaasi dajiso ciidamo Masaari ah ama Turki ah taasoo durtaba keentay in  labaas dawladood ee Suniga ahi tartan u galaan gacan-ku-haynta saldhigaasi ciidan iyadoo ay Masaaridu martiqaadeen Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxmuud kaasoo Hargeysa ku soo laabtay ka hor intii aanu wafdi ka socda dawladda Masar dhawaan socdaal  ku iman Somaliland.Taliyaha Sirdoonka ayaa waxay is-xigaan wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo ah ninka baryahanba xoog uga shaqeynayey loolanka adagna ugu jiray iskaashi ciidan oo dhex mara Somaliland iyo dawladaha Carabta.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS