haatuf.net
Komishanka Doorashooyinka Oo Halkii Uu Kiraysan Lahaa Guryo Iyo Xafiisyo Lagu Diiwaan Galiyo Codbixiyeyaasha Ayaa Doonaya In Dugsiyada Loo Faaruqiyo Xili Ay Ardaydu U Diyaargaroobayaan Imtixaanadii Shahaadiga
April 24, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, nurse April 25, impotent 2016(Haatuf)-Iyadoo ay ardayda dugsiyada waxbarashada ee dalku u diyaargaroobayaan imtixaanadii shahaadiga ee la qaban jiray dabayaaqada sanad-dugsiyeed kasta ayaa Komishanka Doorashooyinku waxa uu qorshaystay in uu diiwaangalintii codbixiyeyaasha ee gobolka Maroodi Jeex ku qabto dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sareba .Komishanka ayaa halkii uu ka kiraysan lahaa guryo iyo xafiisyo lagu qabto diiwaangalinta waxa uu wasaaradda Waxbarashada weydiistay ogolaanshe ah inay isticmaali karaan dugsiyada dawladda si ay ugu fuliyaan halwaha diiwaangalinta taaso ay wasaaraddu ka cudurdaaratay maa daama ay waxbarashadi wali ka socota dugsiyada.Komishanka ayaa hadana wasaaradda weydiistay kuraas iyo miisas taasoo ay wasaaraddu ka cudurdaaratay maa daama uu wali ka maqanyahay agab farabadan oo uu Komishanku qaybtii horee diiwaan galinta wasaaradda ka aamaanaystay balse aanu ilaa hadda usoo celin iyadoo sida la sheegay uu agabkaasi oo u badan kuraasi iyo miisas ay madax furasho u haystaan dad uu Komishanku guryo ka kiraystay oo markii hawshii diiwaangalintu dhamaatay ay kiradii kala aamuseen.Miisaaniyadda Komishanka ayaa waxa ku jira kharashyo ku filan daboolista kirada guryaha iyo xafiisyada marka loo baahdo xiliga diiwaangalinta.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS