haatuf.net
Wasiirkii Boosaha Iyo Taliyihii ciidanka Badda Oo Xilkii Laga Qaaday Markii Ay Diideen Inay Badda Ka Saaraan Fibre Optic Cable Cusub Oo Soo Gaadhay Berbera
April 29, 2016 - Written by Yuusuf Gaboobe

Hargeysa Aiirkiipril 29, symptoms 2016(2016)-Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamad Jaamac Abgaal iyo Taliyihii Ciidanka Badda Maxamad Xuseen Xiirane ayaa caawa madaxweyne Siilaanyo xilalkii ay hayeen ka qaaday ka dib markii ay labadooduba diideen inay joojiyaan oo badana ka saaraan xadhig fibre optic cable ah oo ay koox ganacsato ahi ka soo jiiteen dalka Cumaan isla markaana uu carabkii keebal-kaasi soo gaadhay magalada xeebta ku taala ee Berbera iyadoo uu dalka hore uga jiray keeble dhulka la soo mariyey(Somcable) oo laga soo jiiday Jibuuti kaasoo uu leeyahay ganacsade Maxamad Aw Siciid.

Siday wararku nagu soo gaadhayaan keebalkan cusub oo uu rukhsaddiisa bixiyey wasiirka Isgaadhsiinta ee shaqada laga caydhiyey M J Abgaal ayaa waxa ku shuraakoobay shirkadaha Telsom(Somaliland),Golis(Puntland),Ethopian Telcom iyo Shirkad Cumaan laga leeyahay.Hasayeeshee markii uu ganacsade Maxamad Aw Siciid ogaaday arinta keebalkan cusub ee Berberaba soo gaadhay ayaa waxa uu u cararay dhinaca madaxtooyada halkaasoo uu kula kulmay marwada madaxweynaha isagoo ku cabanaya in wasiirka Boosuhu jabiyey heshiiskii sanadkii 2011 dhexmaray somcable iyo dawladda Somaliland kaasoo uu ku andacooday inuu muddo 25 sanadood ah kooto ku siinayo kalidii-lahaanshaha isgaadhsiinta optic fibre cable-ka ee dalka Somaliland gudahiisa.

Sidoo kale asbaabaha uu Garyaqaankii Guud ee dawladdu isku casilay dhawr cisho ka hor ayaa lagu xidhiidhinaya Keebal cusub oo sida sheegay uu ku tilmaamay inuu sharci yahay iyadoo la saadaalinayo in asmaddan keebalka cusub ay duufaanno xoog leh ku kiciso xukuumaddan madaxwyne Siiraanyo ee dhaako dhaakada ah.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS