haatuf.net
Wasiir Warancadde Oo Markii Madaxtooyadu Ka Arinsanaysay Markabkii Sahaminta Khadka Keebalka Cusub Ee Fiber Optic-a Soo Jeediyey Inuu Ku Weeraro RRU-da
May 1, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,May 1,2016(Haatuf)-Ka hor intaanu madaxweyne Siiraanyo xilka ka qaadin wasiirkii Isgaadhsiinta Mohamed J Abgaal iyo taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Maxamad Xuseen Xiirane ayaa shir ka dhacay madaxtooyada oo ay dawladdu kaga tashanaysay waxay ka yeelayso Markab soo gaadhay Berbera oo sahaminayey khadka la dhigayo keebalka Fiber Optic ee badda hoosteeda mara waxa uu wasiirka Cali Warancadde soo jeediyey inuu weerar ku qaado markabkaasi isagoo adeegsanaya ciidanka RRU-da iyo gaadiid tekniko ah.Mr Warancadde waxa uu  ku taliyey in la gubo markabkaa oo ay soo kiraysatay shirakad laga leeyahay dalka Cumaan oo iyadu ka masuul ah qorshaha keebalkan cusub oo ujeedada loo keenayaa aheyd  inay isticmaalaan  shirkadaha isgaadhsiinta ee Telsom,Golis iyo Telcom Ethiopia.

Qorshaha Keebalkan  in dalka la keeno ayaa sida la sheegay waxa la bilaabay ka dib markii ay madaxtooyadu bixisay ogolaanshe afka ah iyadoo ay ku xigtay rukhsad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka Isgaadhsiintu .Hasa yeeshee madaxtooyada ayaa ka noqotay go’aankeedii hore ee ay ku ogolaatay keebalkan taasoo ay ugu wacneyd cabasho xoog leh oo kaga timid dhinaca mulkiilaha shirkadda Somcable oo maamusha keebal hore dalka loo keenay oo laga soo jiiday Jibuuti halka keebalkan cusub uu qorshahiisu ahaa in laga soo jiido dalka Cumaan.

Hadaba markii uu wasiir Abgaal ogaaday isbadalkan madaxtooyada ayaa  waxa uu la socodsiiyey shirkadda Telsom taasoo ay marwada madaxweynuhu ka cadhootay isla markaana ay ku talisay in degdeg xilka looga qaado wasiirka.Dhinaca kale taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Mr Xiirane ayaa isaga waxa wanjalay oo ka baajiyey inuu fuliyo amar ay madaxtooyadu ku siisay soo qabashada markabka kor ku xusan wasiir Warancadde kaasoo Xiirane u sheegay in waan waani la wado sidaas darteedna uu ka noqdo amarkii la siiyey taasoo uu Xiirane yeelay balse xilkiisii galaafatay.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS