haatuf.net
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Min 3 Sanoo Xadhig Ah Ku Xukumay Suldaan Mawliid Sabayse, Suldaan Ibraahim Sulub, Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore Iyo 11 Qof Oo Kale
May 2, 2016 - Written by Admin Two

Mandheera, impotent May 2,2016(Haatuf)- Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa Axmad Dalmar ayaa maanta galinkii hore xadhig min 3 sanadood ah ku xukumay Suldaan Mawliid Sabayse, Suldaan Ibraahim Sulub ,Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xoore iyo 11 qof oo kale kuwaasoo dhamaantood ka soo wada jeeda deegaaka xeebta waqooyigya Hargeysa ka dib markii ay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo afar iyo tobankoodaa iyo sadex qof oo kale ku eedaysay inay 17/3/2016 ay weerareen goob ku taala deegaankaasi oo la yidhaahdo Hadayta oo ay maalintaasi ka socotay diiwaangalintii codbixiyeyaashu.Maxkamaddu waxay xukunkeedan kaga dhawaaqday Mandheera iyadoo ay sheegtay inay dambi ku wayday sadex ka mid ah eedaysaneyaasha oo iyaga iyo Chief Caaqilku gaadhi la wada socdeen markii lagu qabtay jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa balse ay maxkamaddu Chief caaqilka dambi uga dhigtay binocular uu xiligaasi haystay kaasoo uu Xeer ilaaliyuhu ku tilmaamay qalab milatari.

Lix goobood oo ka tirsan deegaankaasi xeebta waqooyiga Hargeysa ayaa mudo dheerba waxay maamuladii Somaliland ee kala dambeeyey ay ku muransiinayeen labda gobol ee Maroodi jeex iyo Awdal oo midba dhinaciisa u-sheegto inay isaga maamul ahaan hoosyimaadaan taasoo keentay in xayiraad lagu soo rogo oon laga codayinin goobahaasi markastoo ay doorasho dalka dhacdo .

Dacwaddan oo ku lug laheyd muran siyaasaded oo dad badani qabeen ama ku taliyeen in xal siyaasadeed laga gaadho maa daama aanay jirin cid dhaawac iyo dhimasho midkoodna ka soo gaadhay dhacdadaasi sida maxkamadda horteedaba laga cadeeyey hadana xukuumadda ayaa ku adkaysatay in sadexda hogaan-dhaqameed iyo 14-ka qof ee kaleba ay dacwad ku soo oogto iyadoo uu dhagaysigeedu ka bilaabmay xarunta tababarka ciidamada RRU-da iyo SPU-da April 1,2016.

Xukuumadda talada haysa ayaa caadaysatay inay kiisas siyaasadaysan u maleegto oo ay maxkamad ku saarto(political trial) cidda ay dhaliishooda u adkaysan waydo,waxaana kiisakaasi soo ooga Aadan Seed(Jug soo dhacay) oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud isla markaana waxa qaadda  maxkamadda gobolka Hargeysa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS