haatuf.net
Reer Hargeysa Oo Ka Maagay Inay Isdiiwaan-Galiyaan Iyo Sababaha Kalifay
May 2, 2016 - Written by Admin Two

received_10153703743232153received_10153703747232153Hargeysa,May 2,2016(Haatuf)-Daka ku nool magaalada Hargeysa ee sharcigu u ogolyahay inay codeeyaan(eligible voters)  ayaa u muuqda in aanay nafsad u haynin inay isdiiwaangaliyaan si ay uu qaataan kaadhka codeynta ee doorashooyinka soo socda.Diiwaangalinta codbixiyeyaasha oo gobolka Maroodi jeex oo si rasmi ah uga bilaabmatay 30/4/2016 ayaa ilaa hadda ay aad u yartahay tirada dadka iska diiwaangalinaya goobaha hawshaasi loo cayimay.

Mar uu maanta wariye Haatuf ka tirsani soo maray qaar ka mid ah goobaha isdiiwaangalinta ee ku yaala xaafadaha  Iftin ,Calaamadaha iyo Xawaadle ayaa goobtii ugu tirada badnayd waxa uu ku soo arkay 10 qof oo u badan hablo iyo inamo.Qaar ka mid ah dadka degañ xaafadahaasi oo ay Haatuf weydiisay sababta ay uga maagayaan inay isdiiwaangaliyaan ayaa waxay badankoodu bixinayeen jawaab isku mid ah taasoo aheyd in niyad jab kaga dhacay doorashooyinkii oo ay u naceen xuukuumadda xiligan talada gacanta ku haysa darteed.Dadka da’da weyn ayaa iyagu sheegay in nafsad jabka ka sokow ay jiraan arimo kale oo sababaya in aan dad badani ugu soo bixin diiwangalinta sida wacyi-galinta oo ay yidhaahdeen mabay jirin iyo waqtiga ay qaadanayso in qofkiiba la diiwaangaliyo taasoo ay dad goob joog ahaa ay wariyaha Haatuf ugu sheegeen 15 daqiiqo ama 4 qof  saacadiiba.

Shaqaalaha goobaha diiwaangalinta iyo hawlwadeenada Komishanka doorashooyinka ayaa ka cudurdaartay in aanu wax ka weydiino goldaloolooyinkaasi ka jira dhinaca farsamada iyo sababta is-diiwaangalinta qofku u qaadanayso waqtiga dheer iyo sababta ay jirto wacyi-galila’aanta laga cabanayaa  maa daama ay deeqbixiyeyaashu kafaalo qaadeen inay daboolaan baahidii qalabkii ku filaan lahaa hawshaasi iyo waliba lacag fara badanna ay ku bixiyeen in la qabto wacyigalin ballaadhan oo dadka u bislaysa  inay is-diiwaan galiyaan.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS