haatuf.net
Garyaqaankii Guud Ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dawladda Xamar
May 4, 2016 - Written by Admin Two

Muqdisho, unhealthy May 4, ampoule 2016(Haatuf)-Ibraahim Iidle Saleebaan oo laba todobaad ka hor iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee Somaliland ayaa maanta loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dawladda Xamar ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Saleebaan Dirir ayaa ku maqnaa fasax sanad ku dhawaad ah oo uu u qaatay waxbarasho Koonfur Afrika ah markii uu dhawaan dalka ku soo noqday ee uu si deg deg ah istiqaaladdiisa ugu gudbiyey madaxweyne Siiraanyo iyadoo uu is-casilaadiisa sabab uga dhigay inay ku kalifeen arimo shakhsi ah oo isaga u gaar ah.

Hasa yeeshee sida ilo xogogaal ah oo arintan u kuur galay ay Haatuf u xaqiijiyeen, ailment Mr Dirir ayaa ka been sheegay qorshihiisii waxbarashada ee South Afrika iyadoo madadi u maqnaa waqtiga intiisa badan uu ku qaatay Nairobi iyo Muqdisho halkaasoo ay ku wada xidhiidi jireen masuuliinta Somalia.Waxa kale oo soo shaacbaxaya in tagitaanka Mr Iidle ee Xamar ay dabada ka riixayeen rag waaweyn oo reer Somaliland ah.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS