haatuf.net
Dhaqdhaqaaq Ka Dhex Socda Hargeysa Oo Sirdoonka Turkigu Ugu Adeegayo Meelmarinta Qorshaha Somaaliweyn Ee Dawladoodu Wado
May 23, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, order May 23, cheap 2016(Haatuf)-Sirdoonka dawladda Turkiga ayaa dhaqdhaqaaqooda mudooyinkan dambe laga dareemayey caasimadda Somaliland ee Hargeysa xili ay xukuumadda Turkigu isu diyaarinayso wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo dib uga bilaabmaya dalkeeda 31 May . Macluumaadka aanu  ka hayno dhaqdhaqaaqan sirdoonka Turkiga ayaa waxay sheegayaan in hawlaha ay Somaliland gudaheeda ka wadaan isugu jiraan xoog ururin iyo kulamo gaar gaar ah oo dhamaantood khuseeya amniga (security) iyo siyaasadda(domestic politics).

Dawladda Turkiga oon qarsanin dadaalka ay ugu jirto sidii ay Somaliland dib ugula midoobi laheyd Somalia ayaa waxa mandaqadda Geeska Afrika uga muuqda dano iyo fursado dhaqaale iyo kuwa ciidanba (economic and security/military interests) iyadoo gooni-isu-taaga Somaliland ay u arkayso mid carqalad ku ah siyaasadaheeda ku aadan mandaqadda oo laba daraale aanay  goosasho ogolaan kareyn kol hadii ay Akraada dalkoodaba ay u diidanyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Dhinaca kale xukuumadda dalka Turkiga talada haysa ayaa waxay xagga fikirka siyaasdda ay isla keenaan kooxda uu ka tirsanyahay hogaamiyaha dawladda Xamar Xasan Sheekh Maxmuud ee Damul Jadiid iyadoo xubno ka mid ah xukuumadda Somalilandna lagu xanto inay fikirkaa damul jadiid wada wadaagaan.

Wasiirka Awqaafta Sheekh Khaliif iyo Madaxweynaha Xamar Xasan Sheekh Maxmuud oo ah ninka suudhka gashan

Wasiirka Awqaafta Sheekh Khaliif iyo Madaxweynaha Xamar Xasan Sheekh Maxmuud oo ah ninka suudhka gashan

Siday hore warbaahintu u falanqaysay,Turkiga,dawladaha Khaliijka iyo Masar ayaa danahooda wixii Somaliland kaga xidhma u dirta inuu u soo dhameeyo wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo isna sii adeegsada wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Guddoomiyaha Ucid Faysal Csli Waraabe. Dibloomaasiyiinta Turkiga ayaa waliba waxay qabaan in iyaga iyo wasiirka Khaarajiga Somaliland ee Sacad Cali Shire aanay ku kala aragti duwaneyn arimaha siyaasadda ee ku waajahan Somaliland iyo Somalia iyo guud ahaanba mandaqadda taasoo dad badani walaac farobadan ka qabaan siday Somaliland wasiir Sacad isugu haleyn karto marka Somalia la wada hadlayo. Mr Sacad oo lo tiriyo xagga Salafinimada ayaa waxa uu ka midyahay siyaasiyiinta diidan in dalku yeesho baanan ganacsi oo dunida la macaamili kara.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS