haatuf.net
Wafdigii DPW Ee Uu Waatay Baashe Cawil Oo Hargeysa Usoo Shiraacday Kadib Markii Arin Aanay Filayn Kala Kulmeen Berbera
May 24, 2016 - Written by Admin Two

Berbera, therapy May 23, abortion 2016(Haatuf)-Wafdi ka socday shirkadda Dubai Ports World oo uu horkacayey wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil isla markaana ay wehelinayeen wasiirka Khaarajiga Sacad Cali Shire iyo wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa galinkii horee maanta wajigabax weyn kala kulmay xubno ka mid ah golaha deegaanka Berbera iyo guud ahaan dadweynaha magaaladaasi ku noolba.Wafdigan oo diyaarad gaar ah ku yimid Berbera saaka salaadi ayaa waxay booqasho ku soo mareen dekadda halkaasoo uu maareeyaha dekadda ee Cali Xoor Xoor wax yar ka hor imaatinkooda uu ku kala dareeriyey dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 500 qof kuwaasoo uu wajiyadooda ka muuqday  dareen cadho iyo shaki isugu jira oo ay kaga walaacsanyihiin marsada ay xukuumaddu dushooda ku faasaxday iyadoon waxba laga weydiinin.Booqashada wafdigan ayaa waxay ka dambaysay markii horaantii bishan ay dawladda Somaliland iyo DPW kala saxeexdeen heshiis ay ku samaysanayaan shirkad cusub oo ay wada yeelanayaan taasoo la wareegi doonta gacan-ku-haynta dekadda Berbera mudo 30 sano ah.

Hadaba markii uu wafdiga Imaaraatiga ahi xarunta ay madaxtooyadu ku leeday Berbera ay saaka kula kulmeen golaha deegaanka Saaxil ayaa qaar ka mid ah xubnihii halkaas joogay ay sheegeen in aanay raali ka aheyn heshiiska la kala saxeexday.Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre oo ka mid ahaa xubnihii hadlay ayaa waxa uu wafdiga u sheegay in heshiiska DPW lala saxeexday ku koobanyahay dad dano gaar ah wata oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland iyo xukuumad waqtigeedi gabaabsi yahay balse deegaanka , abortion baarlamanka iyo shacbi weynaha reer Somaliland intooda kale aanay waxba ka ogeyn .

Waftigii DPW oo yaabsan ayaa goor dhaweyd diyaaradoodi u qaaday dhinaca Hargeysa iyadoo ay sii qaateen dhamaan maamulkii gobolka iyo dakeddaba.

Baashe Cawil axuud Xaashi iyo Sacad Cali Shire ayaa iyagu xalayba u hoyday Berbera si ay wafdiga ugu sii diyaargaroobaan iyadoo ay Hargeysa ka sii kaxaysteen ciidan tekniko iyo infantry-ba leh.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS