haatuf.net
Wasiir Cadaani Oo Lagu Hor Bahdilay Albaabka Xafiis Ku Yaala Madaxtooyada Oo Uu Shir Uga Socday Baashe Cawil Iyo Wafdigii Imaaraatka
May 24, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, find May 24, ambulance 2016(Haatuf)-Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cadaani ayaa maanta duhurkii lagu hor bahdilay xafiis ku yaala madaxtooyada oo shir uga socday wiilka madaxweynuhu soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo wafdigii shirkadda Dubai Ports World.Wasiir Cadaani oo doonayey inuu galo xafiiskii shirku ka socday ayaa waxa iska hortaagay askar uu ku balamiyey Baashe Cawil in aanay cidna soo daynin .Hadaba markii uu wasiirku isku maqiiqay albaabkii xafiiska ayaa waxay gacan iskula tageen askartii amarka qabtay taasoo keentay in koodhki ku dul jeex jeexmo wasiirka.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS